Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: Farxiya xuseen on May 11, 2017, 10:37:41 PM

Title: Su'aal: Jidiin qalal xiliga hurdada?
Post by: Farxiya xuseen on May 11, 2017, 10:37:41 PM
Asc waad salaaman tihiin walaalada somali doc.aad iyo aad ayaan idiinka mahad naqayaa sida wanaagsan ee aad noogu faaiidaysaan illaahay ha idinka abaal mariyo.wl hal su,aal ayaan qabaa .waxaan ahay hooyo ilaa 40 jir da'deedu tahay alxamdulillaah in yar oo dhiig kar ah mooyee xanuun kale iskuma ogi,waxaanse la liitaa marka aan habeenkii seexdo muddo markaan hurdaba waxaan baraarugayaa iyadoo afkaygu qalayl yacnii warqad oo kale oo kale yahay hurdadana waan ka boodayaa mudo ayaan candhuuf iyo qoyaan iska baadhayaa .baryahan dambe koob biyo ah ayaan is dul dhigaa oo aan ku qòyaa jidiinka .markaa su,aashaydu waxay tahay maxaa keena in qoyaanka laga waayo afka marka la hurdo,ma cudurbaa .sideese loola tacaali karaa waad mahadsan tihiin.