Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Laabta on November 08, 2011, 02:00:02 AM

Title: Su'aal: Xanuun ayaan ka dareemaa feerta bidix naaska hoostiisa?
Post by: Laabta on November 08, 2011, 02:00:02 AM
waad mahadsantahay dr sidaad dadkaga u cawinesid.
walal suasheda waxay tahay xanun an daremayo.
walaal waxaa liga haya ferta waliba dhinaca bidix naska hostisa xanunka waxan daremaya markaan cabar fadhiyo
ama an safar tareen ama scholka an fadhiyo oo ay lugaha i laban yihin hadan liga fadsado wax xanuun ah ma daremo
markan fadhiyo oo xanunka an daremo hadan iskala bixiyo xoga wan ronada lkin markan fadhiga ku labto ayee meshas ku soo labanesa xanunka
marka maxaa talo ah oo ad iga sineesa oo an sameya mise xanunkaas waa nanuun nocee ah sideen uga hortagi karaa.
mahadsanid. bye cadi
Title: Re: Su'aal: Xanuun ayaan ka dareemaa feerta bidix naaska hoostiisa?
Post by: Raaliyo on November 13, 2011, 12:50:18 PM

a/s waan idin salamaaa dhamaan walalaheeyg soomalida meel walba aad joogtaan abaayoaniga suashada hadaan u soonoqdo inakasta uusan dhaqatarka kuu jawaabin isagana uu ku fiican yahay inuu kuu jawaabo hadana inta uu kuu soo jawaabayo bal aan rayigayga aan wax ku darsado inakastoo aan cilmi buuran u lahayn dhaqatarnimada ama dawada hadana xoogaa wixii caqligayga isiiyo bana wax ka oran  sister horta meesha aad tilamamayso waxaa mara  muruq weyn oo la yiraahdo( DIAPHRAM) hadad si xun u fariisato waad dareemaysaa xanuun ku dadaal si sax inaad u fariisato walibana aad mar mar u jimcsato tan kale dhaqtar ma u tagtay ma u shegatay xanuunkaaga waxaa dhici karta inad hitus hernia ay tahay oo muruqaas dabcay marka aabaayo inshalaah dhaqatarkana waa kuu soo jawabaya
Title: Re: Su'aal: Xanuun ayaan ka dareemaa feerta bidix naaska hoostiisa?
Post by: SomaliDoc on November 21, 2011, 09:41:16 PM
Xanuun aad ka dareentid feerta bidix naaska hoostiisa waxaa keeni karo dhowr waxyaabood weliba haddii aad in muddo ah fadhiso oo weliba fadhi aan sax ahayn fadhisid.
1- In aad is cadaadisid oo aad is dhex gasho oo aad murqaha culeyska aad saartay u adkaysan kari waayaan weliba haddii aad tahay qof cayilan, ogow fadhiga aan toosneyn wuxuu leeyahay caafimaad darro oo ay ka mid tahay in lafdhabarta uu dhaawac gaarsiiyo.
2- Midda ay sheegtay walaasheen oo ah in aad qabtid waxa loo yaqaanno Hiatal Hernia oo aad warbixinteeda halkaan ka akhrisan kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,798.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,798.0.html)
3- Haddii aad qabtid gaas ama laabjeex iyadane way keentaa xanuunka nuucaan ah.

Haddii jiraan calaamado kale aad dareemayso waad nala socodsiin kartaa, haddii xanuunka kugu soo kordho fadlan la xiriir takhtar si laguu baaro.