Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Annas on March 10, 2009, 04:18:19 PM

Title: Urethral Stricture
Post by: Annas on March 10, 2009, 04:18:19 PM
A/s Doctor Salaanta islaanka kadib' Doctor Kdida ayaa I Xanuunjinaysay Muddo Habeenki Junubka oo i Xanuujiyo Kadidad oo Awood Saas aan Lahayn ,  Doctor Urologist ayaan U tagay Waa Carigan Kenya' Waraysiyo Kadib waxuu ii Qoray Dawooyin Lakiin nasiib Daro waxba Ma aysan Qaban kadib waxuu ii diray Diagnostic imaging Clnic Marka CONCLUSIONKA waxay Noqotay
Posterior Penile Urethral Stricture

Marka Xalka waa Qaliin ayuu Yiri si Loo Fakiyo Meshan Cariiriga Noqotay Waxuna i sheegay in Ay Soo Noqnoqoto' Haddana waxaan isku Diyariyay in aan Oberationka Galo Maxaa Talo Ah Doctor?......Waa wiil Da'diisu Tahay 25 Years
Waxaan idinku Dhaafay a's'w
Title: Re: Urethral Stricture
Post by: SomaliDoc on March 27, 2009, 10:47:40 PM
(http://somalidoc.com/Topics/ciriiriyowga.png)

Calaamadaha aad dareemeysid, baaritaannada lagugu sameeyay iyo xaaladda lagaa helay intaba way is leeyihiin.
Urethral stricture waxaa laga wadaa "Ciriiriyowga Ibta".

Penile urethral stricture: waxay tilmaamaysaa in ibta guska dhexdiisa ah ay cariiri noqotay taasoo ku badan dhalinyarada, qeybta kale waa midda qanjirka prostate-ka ku aadan waxayna ku badantahay dadka waaweyn, midda dadka waawayn ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1105.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1105.0)

Ciriiriyowga ibta waxaa keeno dhaawac ibta gaaray hadda ka hor kadibna bogsaday ama cudur ku dhaco sida infekshanka ibta (Urethritis).

Maxaa keeno Ciriiriyowga Ibta?
Waxa ugu badan ee keeno waa caabuq ibta ku dhacay, caabuqyada ibta ku dhaco waxay ku badan yihiin dhalinyarada, waana sababta ciladaan badanaa dhalinyarada loogu arko ama xilliga dhalinyarannimada ay billaabato, caabuqyada dhibka keeno waxaa ka mid ah kuwa galmada lagu kala qaado sida cudurka Jabtida, cudurka kalamiidiyaha iyo cudurro kalaba, cudurradaan waxay caabuq ku dhaliyaan ibta, kadibne waxaa qofka ka yimaado dheecaan soconayo dhowr maalmood ama usbuuc, taas ayaa keenayso in caabuqaan uu boog ka dhigo ibta, kadibne qaab haaro leh ayay u bogsataa, halkaas ayuuna ka imaadaa ciriiriyowga.
Akhriso qoraal ku saabsan Jabtida: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1030.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1030.0.html)
Akhriso qoraal ku saabsan Kalamiidiyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1040.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1040.0)

Calaamadaha waxaa ka mid ah:

Haddii aan la daaweyn cilladaan, waxay keeni kartaa in kaadida dibu ugu laabato killida, kadibne ay barar keento "Hydronephrosis"

Dhibaatooyinka gadaal ka yimaado waxaa ugu caansan haddii dhibka in muddo ah jiro:

Waxaa lagu garan garaa cudurkaan 2 baaritaan:
1- Urethroscopy: Weyneyso lagu eego ibta.
2- Urethrography: Raajo lagu eego ibta.

Daaweynta waa laba nooc:
1-Weyneyn la adeegsanayo qalab loogu talo galay ibta.
2-Qalliin oo lagu soo jarayo hilibka ama waxa ciriiriga ka dhigay ibta.

Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah, iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Urethral Stricture
Post by: Annas on May 30, 2009, 10:12:15 PM
A/c Doctor Alhamdulilah Howshii Waan Galay waana ku guulaystay sida aad sheegtay Qalliin oo lagu soo jarayo hilibka ama waxa ciriiriga ka dhigay ibta.

Haddana waxaa Laga joogaa Labo Bil kudhawaad si wanaagsan ayayna U socotaa Kadida Lakiin wali waxaan ku arkaa dhacaan yara Cas waxaan is iri wali maysan raysan ...............Dawooyinka ugu wanaagsan Ma ii sheegi Kartaa oo qalajinta asc
mahadsanid
Title: Re: Urethral Stricture
Post by: SomaliDoc on June 02, 2009, 07:42:36 PM
Waan ku faraxsannahay in qalliinka lagu guuleestay dhibkii ku hayayne eebe kaa qaaday.
Mida kale daawooyinka ugu wanaagsan waxaa haboon in aad kala tashato dhakhtarkii ku qalay maadaama halkaan in daawo laga qoro ama aan ka sheegno ay tahay mid qalad ah.

SomaliDoc