Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed_Carab on July 04, 2018, 05:00:05 PM

Title: Su'aal: Sirta dharka cadcad ee dhakhaatiirta?
Post by: Ahmed_Carab on July 04, 2018, 05:00:05 PM
Asc .. bacda salaam .. su'aasheydu waxaa weeye: inta badan maxey dhakhaatiirta iyo kalkaalisooyinka ugu labistaan dhar cadcad, ma shuruuc aduunka kawada dhaxeysaa in dharkaa la xirto, maxey tahay sirta ka danbeysa dharka cadcad ee dhakhaatiirta iyo nurses-ka?
Title: Re: Su'aal: Sirta dharka cadcad ee dhakhaatiirta?
Post by: SomaliDoc on January 08, 2019, 08:03:05 PM
Badanaa dharka cad wuxuu tilmaan u yahay nadaafadda taasoo muhiim u ah caafimaadka iyo ka hortagga cudurrada, marka inuu isbitaalka midabkiisu cad yahay, dhakhtarkane dhar cad gashto waxay si sahlan u muujinaysaa wasakhda, laakiin ma jirto heshiis caalami ah oo arintaan lagu gaaray laakiin waa dhaqan la kala dhaxlay.

Sidoo kale, abuukaatayaasha "Lawyers-ka" waxay xirtaan dhar madaw taasoo iyadane salka ku hayso dhaqan la kala dhaxlay taasoo ka soo jeeda 1694-tii xilli ay dhimatay boqorodda ingriiska, markaasoo abuukaatayasha iyo qaalliyada lagu amray inay dharkaasi qaataan, kadibne loo arkay inuu midabkaasi yahay mid laga cabsado ama laga haybaysto markii maxkamadaha la tago.
Title: Re: Su'aal: Sirta dharka cadcad ee dhakhaatiirta?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on January 09, 2019, 07:20:29 AM
Doc, Haddii su'aal kale aan raacsado oo Ku saabsan xirashada dharka ee Dhakhaatiirta, maku kala duwanaan karaan dharka sida midabka Cagaaran oo waayahan aad loo istacmaalo, Halka awal aan arki jirey xirashada Dharka Cad?
Maxa sabab u ah in Madaxa ay daboolan ayagoo adeegsanaya baco ama plastic?