Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: To be honest on November 15, 2016, 06:52:34 PM

Title: Su'aal: Goormey ilmaha uurka kujiro dikaanka bilaabaan?
Post by: To be honest on November 15, 2016, 06:52:34 PM
As/c,  dhaqaatiirta sharafta leh ilaahey ha idin dhoowro aduun iyo aaqiraba,                                       Salaan ka dib walaal waxaan ahay qof xaamilo ah oo hadana hooyo ah marka waxaanan waligey arag ayaan isku arkay waana dikaanka ilmaha goortey bilaabaan marka sida caadada ah waxaan isku arki jirey bisha afaraad markaan galo iney ilmaha dikaan bilaabaan,  lakiin midaan weey igu cusub tahay marka waxaan idin ka rabaa inaad ii cadeeysaan waxa ay yihiin, walaal uur baan leeyahay waana laba bilood  sidaan xisaabinaayo lakiin waxaa dhicikarto ineey xataa labada bilood kayaryihiin because caadada labaad ee iga maqan waxay ku aadan tahay maanta oo bisha shan iyo toban ay tahay waana maalinta ay caadada ii imaan jirtey marka sadex iyo tobanka bishaan november ayaan isku arkay dikaanka ilmaha shalayna waan isku arkay hadana waan arkaa marka sida caadada ah bisha afaraad markaan galo ayaan arki jirey marka ma wax qaldanaa jiro? Walaal waxaan waxay yihiin ayaan rabaa inaad iisheegtaan oo aad full information iga siisaan hadii aan dhaqtar ubaahanahayna aad iisheegtaa waadna mahadsantihiin 
Title: Re: Su'aal: Goormey ilmaha uurka kujiro dikaanka bilaabaan?
Post by: SomaliDoc on December 04, 2016, 10:06:25 PM
Haweenta ugubta ah waxay dhaqdhaqaaqa caruurta ay dareemaan ugu horray 18 usbuuc ka dib, laakin haddii aad horay u dhashay waxaad dareemi kartaa ugu horrayn 14 usbuuc oo ah sadax bil iyo bar.
Haddii sida aad tirsanayso ay saxan tahay, waxa aad dareentay waxay noqon karaan hawo caloosha ama mindhicirrada gashay ama in ay jirto cillad uurjiif-shuuq.

Haddii ay arintaan joogto noqoto, wax cillad kalane aadan isku arkin sida dibbiro, daaco badan iyo kor hur, fadlan dhakhtarkaaga la xiriir.
Title: Re: Su'aal: Goormey ilmaha uurka kujiro dikaanka bilaabaan?
Post by: To be honest on December 05, 2016, 05:49:35 PM
Dhaqaatiirta sharafta leh waad mahadsantihiin, walaal waanku gartay lakiin shakibaa igalisay arintaan dikaanka ah markaan su aasha idin weeydiinaayey aa igu danbeeysay dib danbana uma arag lakiin waxaan kuweeydiinaaa aariyada gudaha hadeey gashay ma dhibaato meey iikeenikartaaa? Dabcan aariyada aad sheegtay iney tahay aa laga yaabaa, tankale dibiryo badan waan isku arkay iyo hur oo korka ah iyo qaasatan cagaha oo aad ii huro marka infection aa leeyga helay diktoorkeeyga daawooyinka antibiotic ah uu isoo qoray waana qaataa oo dhabar xanuun iyo meesha hoose ee caloosha ah aa ixanuuneysay marka hada dhabarka waan karoonahay oo wuu idaayey xanuunkii iga haayey dhabarka lakiin caloosha qeeybta hoose aan wali xanuun yaryar ah kadareemaaa, lakiin alxamdulilaah waan fiicanahay dhibkale maqabo marka walaal uur shuuqa aad sheegeyso seen kudareemikaraa in uu isaga yahay?
Title: Re: Su'aal: Goormey ilmaha uurka kujiro dikaanka bilaabaan?
Post by: To be honest on December 13, 2016, 06:44:34 PM
Somalidoc, waxaan rajeeynaa sida ugu dhaqsiyaha badan inaad su'aalaheyga igaga soo jawaabtaan ilaahey haduu yiraahdo, walaalayaal waxaa igu soo saaiday madax xanuun saaid ah oo dhinac ah iyo back pain oo ay igu darantahay lafdhabarta ama lafta dhabarka kutaal ee dheer oo kasoo bilaabato hoos oo waxay martaa dhabarka kala barkiisa dhaxda ayey oga taalaa midaas ayaa ixanuuneyso waxaa kaloo ixanuunaayo meesha uu wadnaha kuyaalo naaska hoostiisa ah waa dhinaca uu wadnaha xigo marka inuu wadnaha yahay iyo iney waxkale yihiin aan fahmi la'ahay marka leeyga qabto neefsashada xataa weey idhibeeysaa oo waxaan dareemaa xanuun oo meel leeyga jiro iyo meelkale aan fahmi weeynaa oo madhiman rabtaa aan is iraahdaa xanuunkaan wuxuu igu bilaawday kowda bishaan ilaa iyo hada aan isku arkaaa maalinkii waxaan arkaa sadex mar ama afar mar marka ma aqaano waxay yihiin ee hadaad wax kataqaaanaan warbixin buuxdo iga siiya waadna mahadsantihiin
Title: Re: Su'aal: Goormey ilmaha uurka kujiro dikaanka bilaabaan?
Post by: To be honest on December 14, 2016, 03:38:24 AM
Walaal caawa waxaan matagay dhiig subxaanalaahi dhiigaas muxuu noqonkaraa?
Title: Re: Su'aal: Goormey ilmaha uurka kujiro dikaanka bilaabaan?
Post by: SomaliDoc on January 25, 2017, 07:41:06 PM
Dhaqaatiirta sharafta leh waad mahadsantihiin, walaal waanku gartay lakiin shakibaa igalisay arintaan dikaanka ah markaan su aasha idin weeydiinaayey aa igu danbeeysay dib danbana uma arag lakiin waxaan kuweeydiinaaa aariyada gudaha hadeey gashay ma dhibaato meey iikeenikartaaa? Dabcan aariyada aad sheegtay iney tahay aa laga yaabaa, tankale dibiryo badan waan isku arkay iyo hur oo korka ah iyo qaasatan cagaha oo aad ii huro marka infection aa leeyga helay diktoorkeeyga daawooyinka antibiotic ah uu isoo qoray waana qaataa oo dhabar xanuun iyo meesha hoose ee caloosha ah aa ixanuuneysay marka hada dhabarka waan karoonahay oo wuu idaayey xanuunkii iga haayey dhabarka lakiin caloosha qeeybta hoose aan wali xanuun yaryar ah kadareemaaa, lakiin alxamdulilaah waan fiicanahay dhibkale maqabo marka walaal uur shuuqa aad sheegeyso seen kudareemikaraa in uu isaga yahay?

Akhriso qoraal ku saabsan Uurjiif-shuuqa: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4093.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4093.0)

Waxaad isi saartaa kumuyuuarka uurka, waa la akri karaa hadduu jiro iyo in kale iyo in uurkaaga uu dabiici yahay.
Title: Re: Su'aal: Goormey ilmaha uurka kujiro dikaanka bilaabaan?
Post by: SomaliDoc on January 25, 2017, 07:42:31 PM
Somalidoc, waxaan rajeeynaa sida ugu dhaqsiyaha badan inaad su'aalaheyga igaga soo jawaabtaan ilaahey haduu yiraahdo, walaalayaal waxaa igu soo saaiday madax xanuun saaid ah oo dhinac ah iyo back pain oo ay igu darantahay lafdhabarta ama lafta dhabarka kutaal ee dheer oo kasoo bilaabato hoos oo waxay martaa dhabarka kala barkiisa dhaxda ayey oga taalaa midaas ayaa ixanuuneyso waxaa kaloo ixanuunaayo meesha uu wadnaha kuyaalo naaska hoostiisa ah waa dhinaca uu wadnaha xigo marka inuu wadnaha yahay iyo iney waxkale yihiin aan fahmi la'ahay marka leeyga qabto neefsashada xataa weey idhibeeysaa oo waxaan dareemaa xanuun oo meel leeyga jiro iyo meelkale aan fahmi weeynaa oo madhiman rabtaa aan is iraahdaa xanuunkaan wuxuu igu bilaawday kowda bishaan ilaa iyo hada aan isku arkaaa maalinkii waxaan arkaa sadex mar ama afar mar marka ma aqaano waxay yihiin ee hadaad wax kataqaaanaan warbixin buuxdo iga siiya waadna mahadsantihiin

Gaas aad u daran baa ku hayo ee fadlan dhakhtarka la xiriir:
https://www.youtube.com/watch?v=-wDP0Ot9izU (https://www.youtube.com/watch?v=-wDP0Ot9izU)
Title: Re: Su'aal: Goormey ilmaha uurka kujiro dikaanka bilaabaan?
Post by: To be honest on January 25, 2017, 08:47:53 PM
Alxamdililaahi waaan fiicanahay boqolkiiba boqol walaal waxa iwaalay gaasuu ahaaa ilmaheeygana sidoo kale weey fiicanyahiin waadna mahadsantihiin dhaqaatiirta sharafta leh, walaal waxaan idinka codsanayaaa uurka mataanaha inaad kusoo dartaan qoraal quseeya oo kahadlaayo gabadha uurka leh ee mataanaha wado waadna mahadsantihiin