Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Iraado Macalin on February 13, 2016, 11:10:48 AM

Title: Su'aal: Waa maxay Cagagada?
Post by: Iraado Macalin on February 13, 2016, 11:10:48 AM
asc  Docs; waxaa rabaa inaan wax ka ogaado Cagagada ama nabraha yar yar oo kurtumo kurtumo ah ee carabka gaadaashiisa ku yaala.  maxaase lagu daaweeyaa ma la jaraa yacni sanca somali in la soo xoqo ma saxbaa
Title: Re: Su'aal: Waa maxay Cagagada?
Post by: SomaliDoc on February 18, 2016, 01:06:30 PM
(http://somalidoc.com/Topics/cagagada.png)

Kuuskuuska ka soo baxo qeybta dambe ee carabka waa wax dabiici ah oo dadku ku kala duwanaan karaan.

Qeybta dambe ee carabka wuxuu alle ku abuuray wax loo yaqaano "Papillae" oo ka qeyb qaato dareenka dhadhaminta, walxahaas ayaa barari kara oo u ekaan karo kuuskuus kurtumo camal ah oo la akro markii carabka si aad ah banaanka loogu soo saaro.

Maadaama aana aqoon loo lahayn, si kadis ahne uu qofka ku arko, waa laga welwelaa oo waxuu qofka u malayn karaa burooyin ka soo baxay carabka.

Markii ay aad u waynaadaan, waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "circumvallate papillae", taasoo si sahlan qofka u arki karo, wayna badan karaan illaa waxay gaari karaan labada dhinac ee carabka.

Inkastoo ay dabiici tahay laakiin waxaa jiro dhowr xaaladood oo sii wayneyn karo kuuskuuskaas waxaana ka mid ah:
1- caabuqa sanqada ee loo yaqaano "Sinusitis", ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5636.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5636.0.html)
2- Cunista cunnooyinka kulul sida basbaaska, waxay barariyaan kuuskuuskaas.
3- Xasaasiyada dhaxalka ah, dadka qabo samboorka, xasaasiyada indhaha, neefta /xiiqda iyo allejiyada maqaarka, iyagane waxaa la arkaa badanaa in kuuskuuskaan uu badanaa ka soo baxo.
Akhriso Sanboorka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5658.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5658.0.html)
Akhriso Xasaasiyada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,532.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,532.0.html)
Akhriso Neefta / Xiiqda: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html)
Xajiinta maqaarka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1091.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1091.0.html)

Sidaas awgeed maadaama ay arrintaan dabiici tahay uma baahno in la hoolo ama la xoqo, ee waa wax jirka ka mid ah oo bararay ee ma ahan buro ama nabar laga xoqayo ama laga qalayo.

Dhibaatada ka dhalan karto markii la xoqo waa in dareenka dhadhaminta uu yaraado ama dhiig bax yimaado ama nabro infekshan qaado ay yeeshaan, maadaama dhaawaca carabka uusan dhakhso raysan karin oo uu yahay xubin aan laga maarmin oo markasta uu qofka cunno cunayo.

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)