Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hassan Bile on August 08, 2011, 11:57:54 AM

Title: Su'aal: Galmo naag caado qabto?
Post by: Hassan Bile on August 08, 2011, 11:57:54 AM
kama hadlayo sharci ahaan, waana wax dhaca ama dhici kara inuu ninka xaaskiisa u tago ayadoo dhiig qabto ama aan umushii ka bixin, hadaba xagga caafimaadka maxaa ka imaan kara ninka iyo naagtaba.  Taanki yuu
Title: Re: Su'aal: Galmo naag caado qabto?
Post by: SomaliDoc on August 08, 2011, 10:00:22 PM
Bini-aadanka cilmigiisa wuu yaryahay,wax walbuu arrin ka ogaado waxbaa ka maqan.

Arrintaan aad na weydiisay hadduu eebbe xarrimay noona sheegay in ay dhib noogu sugantahay taaso dhinac walba noqon karto xag caafimaad iyo xag kalaba, waxaan is leeyahay uma baahno su'aashaan oo kale maadaama jawaabteedu ay iska caddahay.

Hadduu cilmi-baarayasha iyo dad wax diraaseeya ay sheegaan in caafimaad uu ku jiro arintaan ama wax dhib ah aysan lahayn, waa in aan lagu waafiqin oo hadalkooda iyo hadalka eebbe aan la isla barbar dhigin.

Marka jawaabta waxaan ku soo koobayaa wax faaido ah kuma sugna in loo tago haween caado leh, caafimaad darrane waa laga qaadaa ama aan ogaanno caafimaad darradaas waxa ay tahay ama yaanan ogaanin.

WALLAHU A'LAM
Title: Re: Su'aal: Galmo naag caado qabto?
Post by: Hassan Bile on August 09, 2011, 03:08:58 AM
jawaabtaada dhinaca caqiidada ah ma xuma waana aaminsanahay in sharciga islaamku goaanka arintaas uu ka qaatey uu sax yahay, bal waxaan is lahaa armey ayaga qolooyinka caafimaadku iqtiraacoodu gaarsiisanyahay iney ogaadaan ciladaha jira. Suaashaasna waxaan ku keeney nin sxbkey ah ayaa iga sheegey in xaaskisa ay aad u xanuunsaneyso uuna u maleynayo in sababtu ay galmada xiliga dhiiga oo uu shaydaan ku qaadey.   Mahadsanid ditoore