Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed_Carab on October 18, 2018, 09:16:43 PM

Title: Su'aal: Galmada aan caadiga aheyn!?
Post by: Ahmed_Carab on October 18, 2018, 09:16:43 PM
Asc .. bacda salaam.

Dhakhtar maxaa laga wadaa "Galmada aan caadiga aheyn"?

Yacnii marka laga hadlaayo siyaabaha ay isfiilitada ku faafto mise lagu kala qaado ayaa waxaa la yiraahdaa:
Waraabowga waxa Fidiya:
? Galmada caadiga ah
? Galmada aan caadiga ahayn.

Marka maxaa laga wadaa "galmada aan caadiga aheyn?"
Title: Re: Su'aal: Galmada aan caadiga aheyn!?
Post by: SomaliDoc on February 27, 2019, 08:33:26 PM
Galmada caadiga ah waa labada xubin oo Alle isu talagalay markay kulmaan, tan aan caadiga ahayne waa midda aan dabiiciga ahayn oo khilaafsan sida Alle ugu tala galay sida galmada afka, dabada IWM oo aad loogu kala qaado xanuunka isfiilitada iyo xanuuno kalaba... Akhriso faahfaahin ku saabsan xanuunka isfiilitada iyo siyaabaha lagu kala qaado: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1339.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1339.0)