Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Drhanad on November 06, 2016, 07:50:04 AM

Title: Su'aal: Goobaha webiyada maraan iyo hepatitis B?
Post by: Drhanad on November 06, 2016, 07:50:04 AM
Asc dhamaan bahda caafimaadka waan idiin salaamay dhaqtarka waxaan weydiinayaa beryahan dambe waxaa aad ugu badan goobaha webiyada maraan cudurka hepatitisB anigu sheybaariste ayaan ahay Somalia joga, dhaqtar maxey tahay sababta cudurkan ku badisay tuulooyinka iyo magaaloyinka webigu maro oo uu ku yaraado inkastuu jiro magaaloyinka waaweyn mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Goobaha webiyada maraan iyo hepatitis B?
Post by: SomaliDoc on November 26, 2016, 10:37:38 AM
Meelaha uu wabiga maro ama meelaha laga cabo biyaha aan nadiifka ahayn waxaa ku badan Hepatitis A ee ma ahan Hepatitis B.
Haddii aad aragtay dhowr xaaladood oo Hepatitis B ah, waa in la raadiyo sabab kale oo cudurka halkaan ugu badan karo ee aan ahayn wabiga.