Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdirizak on July 30, 2011, 08:14:16 PM

Title: Su'aal: Cabidda Shaaha Iyo Biyaha Cusbada Laga saray Makeni Kartaa Kaadi Xannun?
Post by: Abdirizak on July 30, 2011, 08:14:16 PM
A-s-c.

Waxaan aad isuga arkay inta badan marka aan shaaha badsado iyo waliba biyaha cusbada lagasaaray ee lagu sameeyo wadankeena soomaaliya, in marka aan kaadinaayo aan dareemo inay kaadido ixanuujinayso marka hore,.
arintaas ayaan daraasad ku sameeyay ka dib markii aan maalin iyo wax kabadan aanan cabin shaah iyo biyahaas cusbada laga saaray, waxaana ii soo baxday in ciladu ay tahay cabitaanka shaaha iyo biyaha.

waxaanse kaloo garan waayay inay ciladdu tahy biyaha cusbadda laga saaray iyo inkale, isku soo duub dhamaan arintaas ayaan doonayaa bal inay kaadi xannuunka qayb ku leeyihiin Shaaha iyo Biyaha aan cusbada lahayn, iyo inaan inigu Physical ahaan aaminay in kaadida i-xanuujinaysaa ay tahay mid ka timid shaaha iyo biyahaas,.

                                             Wabailaahi Towfiiq
Title: Re: Su'aal: Cabidda Shaaha Iyo Biyaha Cusbada Laga saray Makeni Kartaa Kaadi Xannun?
Post by: SomaliDoc on August 08, 2011, 07:55:39 PM
Kaadida oo ku gubto ama ku xanuujiso waxay calaamad u tahay in ay jirto caabuq kaadi mareenka ah taasoo ka imaan karta caabuq kaadi heysta, caabuq xariga kaadida ama caabuq kilyaha ah.

Hadduu qofka cabo biyo badan waxay aad uga shaqeysiisaa kilyaha taasoo kaadi badan uu qofka soo saaro taasi waxay ku caawinaysaa kaadi mareenka in bakteeriyo badan oo fadhisay jidka in la soo xaaqo oo qofkii infakshanka ka yaraaado kadibna ay baaba'do xanuunkii iyo gubitaankii uu dareemayay markuu kaadinayay.

Halkaan ka baro cudurka caabuqa kaadi mareenka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html)

Shaaha ama biyaha la sifeeyay in ay keenaan kaadi xanuun lama sheegin.