Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: drdaysane on June 05, 2017, 08:35:28 AM
-
Asc Dr waxaan ahay Wiil dhalinyaro ah oo 23 jir ah mudo afar sano ayaa xaas leeyahay baaritaano aan sameynay aniga iyo xaaskeyguba waxaa iso baxday in cilada ani xageyga ay tahay waxa u tegay Sheybaariiste wuxuuna ii sameyay 2 baaritaan SEMEN ANALYSIS ah.
F.G: 2-da baaritaan waxaa u dhaxeysay 4 bilood.
1. Baaritaanka koowaad iyo daawada:
Standard Test
Volume 2ml
Color: Grayish
pH: 8
Viscosity: No Viscosity
Liquefaction time: 10 minutes
Vitality: 20%
Sperm Count: 10 m.sperm/ml
Morphology: 70%
Motility:
Grade (a): 15%
Grade (b): 10%
Grade (c): 20%
Grade (d): 55%
Leukocytes (WBC): 10-15/HPF
Erythrocytes (RBC): Nil
Testicular (TC): Nill
Crystals: Nill
Treatment-ga koowaad
1. SPECTINOMYCIN 2g Tab (2 xabo)
2. GENURIN SEMPLICES Tab (60 xabo)
3. CIPROFLOXACIN 500g Tab (20 xabo)
2. Baaritaanka labaad iyo daawada:
Standard Test
Volume 2.5 ml
Color: Whitish
pH: 9
Viscosity: No Viscosity
Liquefaction time: 10 minutes
Vitality: 40%
Sperm Count: 10 m.sperm/ml
Morphology: 50%
Motility:
Grade (a): 10%
Grade (b): 10%
Grade (c): 5%
Grade (d): 75%
Leukocytes (WBC): 10-20/HPF
Erythrocytes (RBC): Nil
Testicular (TC): Nill
Crystals: Nill
Treatment-ga Labaad
1. SUSTANON 250g Injection (6)
2. CLOMID 50g tab (60)
3. VITAMIN E 400 Cap (60)
4. PROVIRON 25g Tab (60)
5. MULTI-SANOSTOL Syrup (2 dhalo)
Baaritaanadi aan sameyay wax is bedel ah ma ku arkin
Dr Abdullahi Mahdi maxaa igula talin laheyd in aan sameyo Mahadsanid
-
Baaritaanka shahwdaada waxaa ka muuqda 3 cilladood, midda hore waa tirakoobka shahwada oo labada jeerba yar, waxaa lga rabaa ugu yaraan inuu 15 million noqdo.
Cillada labaad waa dhaqdhaqaaqa ama xawaaraha socodka shahwada oo gaaban, markii la isku fiiriyo baaritaanka hore iyo tan labaad, tan 1-aad 55% ayaa wax dhaqaaq ah lahayn, tan labaadne cilladii way ka sii dartay oo waxay gaartay 75%.
Cillada ugu dambeyso oo sababtaan oo idil keentay waa infekshan kaa haysta dhinaca shahwada, inkastoo baaritaanka labaad uu infekshankii soo kordhay, daawooyinkane waxay isugu jiraan kuwa la dagaallamayo infekshanka iyo kuwa caawinayo tirada iyo tayada shahwada.
Ogow haddii aan infekshankaa la cirib tirin, daawooyinka kale wax ma tarayaan, si loo cirib tiro waa in la helo jeermiska dhibka ku hayo nuuciisa iyo daawada wax ka tari karto, sidaa darteed waa in shahwada la beeraa ama la abuuraa "Semen Culuture".
Su'aalaha u baahan in si dhakhso ah looga jawaabo waxaan ku talinaynaa in lagu soo gudbiyo qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)
-
Waa ku mahadsan tahay sida wacan aad Iiga soo jawaabtay su'asheyda.
Baaritaanadii hore waxa ka so waregatay 2 sano, baaritaan kale aya sameyay dabayaaqadii sanadii tagtay ee 2017, jawaabtiina waa sida
Hormone Examination
Test name Test Result
FSH 3.74
LH 11.18
FSH: possible outcome / Normal range
Follicular phase : 3.0 - 12.0 IU/I
midcycle : 8.0 - 22.0 IU/I
Luteal phase : 2.0 - 12.0 IU/I
Postmenopausal: 35.0 -151 IU/I
Man FSH : 1.0 - 14.0 IU/
LH:
Follicular phase : 2.1 - 12.7 mlU/mL
Ovulation phase : 14.0 - 105.0 mlU/mL
Luteal phase : 1.0 - 12.0 mlU/mL
Postmenopausal : 7.5 - 65.0 mlU/mL
Man LH : 1.5 - 9.6 mlU/mL
SEMAN ANALYSIS
Physical Result Normal
Color pile yellow
Order Normal
Sample type Fresh sperm
Viscosity viscous viscous
Volume 4.0 ml 2.0 - 7.0 ML
Turbidity high turbit high turbit
Last ejaculation 4 days 2 - 7 days
Chemical results normal
pH 8.0 7.1 - 8.0
Fructose >_ 2.4mg/Ejaculation
Morphology result normal
- Progrsive motility 15% 31 - 34%
- Total motility 20 % 38 - 42%
- Immobile 65% <_ 30%
- Neck small non visible small non visible
- Tail structure low tail motile High tail motile
- Head structure normal normal
- Normal morphology 3% 3 -4 %
- WBC Not appear not appear
- RBC not appear not appear
Counting Report Result Normal
20x10^6 36x10^6 /ML > 20x10^6
EXAMINATION: SCROTAL SONOGGRAPHY WITH COLOUR DOPPLER STUDY
-- Both the tests are normal size
-- Head of the epididymis on the other side appear normal
-- The testicle show normal echopattern
-- No evidence of calcification
-- Left small hydrocele
-- Scrotal skin thickening appear normal
-- Colour flow imaging of both the cords was done.
There are right dilated vessels show reflux during valsalva and they approximately measure 2.1 mm
There are left dilated vessels show reflux during valsalva and they approximately measure 2.1 mm
Ka dib wuxu ii diray qaliin Laser ah :-
Bilateral Varicocelectomy
Qaliinkas ma aanan marin waxaa dhacday in aan cuno ani iyo xaaskeyguba
-- Iron and Folic Acid Tablets. "Antianaemic" / "Antianaemique"
-- Qur'aan aan isa saaray
Hada Alxamdulillah Uur Shan Bil ah aye leedahay
Jawaabaha dhaqtarka sax ma yihiin mise waa qalad
Maxaa igula talin laheyd?
Daawo aan cidna iso qorin aya iska isticmalay
Mahadsanidiin
-
Allaa mahadsan, baaritaanka dambe isbadal fiican ayaa ka muquda, infekshankii wuu kaa baxa, tirakoobkii awal ahaa 10 million, wuxuu baaritaanka labaad uu noqday 36 million oo ka badan intii laga rabay oo ahayd 20 million, midda kale cilladdii dhaqdhaqaaqa iyo tayada shahwada sidii hore way ka roon tahay. dabcan jawaabteedane waadba heshay oo waad noo sheegtay in uur laguu leeyahay. Awguuriyo.
-
Baaraka Allah Dr. Abdullahi Mahdi Sida Wacan Ee Aad Iiga Soo Jawaabtay Su'aalaha Aan Ku Weydiyay.
Waana Ku Mahadsan Tahay Sida Aad Uga Haqabtirto Baahiya Bulshada Su'aalaha Caafimaad .
Guuleyso Alle Idinkii