Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: drmire on May 24, 2018, 08:24:14 AM

Title: Su'aal: Bidaarta daawo ma loo helay?
Post by: drmire on May 24, 2018, 08:24:14 AM
Asc dhaqaatiirta sharafta mudan.salan.kadib waxaa maal mahaan la hadal hayaa daraasad lagu sameeyay dalka ingiriiska taas oo ka dhawaajisay in dhaawoyin loo helahay bidaarta iyadoo la isticmaalayo daawo lagula tacaali jiray dudurka lafa jileeca dawada magaceeda waa cyclosporine A iyadoo lagu daraayo daawo kale oo layidhaa way-316606 dr arintaas maxaa kala socotaa thanks
Title: Re: Su'aal: Bidaarta daawo ma loo helay?
Post by: SomaliDoc on December 28, 2018, 10:17:19 PM
Arintaan waa isbadal si kadis ah lagu arkay dadkii isticmaalayay daawadaan oo loo isticmaalo xanuuno kala duwan oo ay ka mid yihiin lafaburburka, waxaa la arkay daawadaan waxyeelladeedu inay ka mid tahay inay barariso unugyada tinta soo saaro taasoo si kobcis ah ugu boornayso unugyadaas inay tin soo saaraan, halkaas ayaa rajo laga muujiyay haddii daawadaan loo sameeyo qaab bidaarta loo adeegsado inay isbadal fiican samayn doonto, marka waa arrin curdun ah oo weli daawo la isku hallayn karo lagama soo saarin.