Somali Medical Forums

General Discussions => Feel Free Here => Topic started by: Dr.Habiib on August 01, 2011, 06:18:49 PM

Title: Su'aalaha Bisha Ramadaan
Post by: Dr.Habiib on August 01, 2011, 06:18:49 PM


AQOON KORARSIGA BISHA RAMDAAN:
 ASALAAMU CALAYKUM  WARAXMATULAHI WABARAKAATUH.
RAMADAAN KARIIN ASXABTA  DHAMAN MEEL WALBO ADUUNKA AAD KA JOOGTAA .
INSHA ALLAAH  WAXAAN  ISWEYDIIN DOONA MAALIN WALBO BISHA RMADAAN AH SU`AAL DIINA OO QOF WALBO U FURAN  INUU  KA  JAWAABA.
JAWAABTA SAXDA  AH  EE  SU`AASHAAS WAXAAN SOO SARI DOONA HABEENK KA DANBEYSA MALINTA SU`ASHA AAN SOO QORAY MARKA AY TAHAY   8:00 FIIDNIMA EE MAGAALADA MAKKA AL MUKARAM

SU`AASHA 1:
WAXAAD SHEEGTAA INTA RAMADAAN OO UU SOOMAYA NABI MAXAMED NABAD GALIYO IYO NAXARIIS KOR KIIS H AHAATEE?
JAWAABTA LAGAA RABA WAA TIRADA OO KALIYA.

    By. Dr. HABIIB
Title: Re: jawaabti 1
Post by: Dr.Habiib on August 02, 2011, 09:08:15 PM
Waqtiga oo dhacay owgeed jawaabta oo sax waa:

 JAWAABTA SU`AASHA KOOWAAD:

   WAXA UU SOOMAY NABI MAXAMED NABAD GALIYA IYO NAXARIIS KORKIIS HA AHAATEE 9 RAMANAAN.
Title: Re: Su'aasha2
Post by: Dr.Habiib on August 03, 2011, 02:45:35 AM

Su`aasha 2:

 waxaad sheegta sanadka hijrayada ee la farad yeelay soonka  bisha barakeysan ee ramadaan?
Title: Re: Su'aalaha Bisha Ramadaan
Post by: Mukhtaare on August 03, 2011, 12:27:31 PM
waxaa la farad yeeley soonka sanakii labaad ee hijriga
                            mukhtaar shariif c/raxmaan
Title: Re: Su'aalaha Bisha Ramadaan
Post by: Dr.Habiib on August 03, 2011, 08:45:24 PM

waad ku mahadsan tahay mukhtaare sida wacan oo aga jawaabtay

JAWAABTA SU`AASHA 2:
 waxaa la farad yeelay soonka sanadkii 2 ee hijriyada.
Title: Re: Su'aalaha 3
Post by: Dr.Habiib on August 04, 2011, 10:21:42 AM

SU`AASHA SADEXAAD:
waxaad sheegta  magacyada laba suurad oo quraanka mid oo loo yaqaana  (zahrawaan) kuwaasi oo imaan doona ayaga hogaaminaya qu`aanka maalinta qiyaama.
Title: Rejawaabta 3
Post by: Dr.Habiib on August 04, 2011, 08:48:09 PM

waqtiga oo dhacay owgeed.
jawaabta 3:
 labada suurad oo loo yaqaana ( zahrawaan) waa:
1. al. baqara.
2. aala-cimraan
Title: Re: Su'aasha4
Post by: Dr.Habiib on August 05, 2011, 02:16:57 PM

 su`aasha 4: waxaad sheegtaa suurad  quraank ka mid ah oo ayad walbo oo aayadeehada ka mid ah uu ku jira lafdul jalaaha  allaah(????)
Title: Re: jawaabta 4
Post by: Dr.Habiib on August 05, 2011, 08:39:08 PM
jawaanti oo sax waa:

jawaabta 4:
 suuratu mujaadalah.
ama sida dadkii looxa quraanka ku soo bartay ay u yaqaanaan (qadsamica laahu)
Title: Re: su`aasha 5:
Post by: Dr.Habiib on August 06, 2011, 05:30:09 AM

su`aasha 5:
Dadka sooma aakhira alle abaal wayn ayuu u balan qaaday, waxaa ka mid ah in ay leeyihiin albaab albaabada jannada ka mid ay ka  gali doonaan dadka sooma oo kaliya.
 Haddaba waxaad sheegta magaca yaqaaana albaabkiisi (baabkaas)?
Title: Re: jawaabta 5:
Post by: Dr.Habiib on August 06, 2011, 08:36:03 PM

jawaabt oo sax ah waa:

jawaabta 5:
 albaabka jannda  ee u gaar ah in ay dadka sooma ay ka gallaan waxaa loo yaqaanaa  (baabu Al-rayyaan)
Title: Re: su`aasha 6:
Post by: Dr.Habiib on August 07, 2011, 05:39:11 AM
su`aasha 6 :
waxaad sheegta magacyada rususha loo yaqaana (ulul-cazmi) nabad galiya korkooda ha ahaatee?
Title: Re: Su'aalaha Bisha Ramadaan
Post by: Siciido on August 07, 2011, 06:36:55 PM
assalaamu caleykum wr wb

Rususha loo yaqaano ulul-cazmi waa;
Nabi Ibrahim (cs)
Nabi Nuux (cs)
Nabi Muuse (cs)
Nabi Ciise (cs)
iyo
Nabi Maxamed (scws)
Title: Re: jawaabta 6:
Post by: Dr.Habiib on August 07, 2011, 08:55:56 PM

wacalykum salam warax matulaahi wabaraaku tuh.
 saciido waad ku mahadsantahay sida wacan  aad ugu jawaabtay su`aasha 6.
jawaabta waa sax.
Title: Re: su`aasha 7:
Post by: Dr.Habiib on August 08, 2011, 05:47:29 AM

su`aasha 7:
waxaad sheegta meeqa sana ayuu qur`aanka uu ku soo dagayay nabi maxamed (nabad galiya iyo naxariis kor kiisa ha ahaatee)?
Title: Re: Su'aalaha Bisha Ramadaan
Post by: Deeqe Luul on August 08, 2011, 03:02:37 PM
asc wr wbr
wuxuu waxyiga nabiga naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaate ku soo dagaayay   23 sano
Title: Re: jawaabta 7:
Post by: Dr.Habiib on August 08, 2011, 08:38:23 PM

waad ku mahad san tahay Deeqe Luul   sida wacan oo su`aasha 7 uga jawaabtay.
 jawaabta waa sax.


jawaabta 7:
quraanka nabi maxamed(scws) waxuu ku soo dagayay 23 sano.
Title: Re: su`aasha 8: iyo 9
Post by: Dr.Habiib on August 09, 2011, 05:43:22 AM

su`aasha 8 iyo 9:

8. waxaad sheegtaa magaca safiirkii ugu horeyay ee islaamka waqtigi nabiga  (nabad galiya korkiis ha ahaatee)?
9. sheeg magaca magaalada loo diray in safiir ka noqda?
Title: Re: jawaabta 8 iyo 9
Post by: Dr.Habiib on August 09, 2011, 08:24:16 PM

jawaabta oo sax waa:

8. safiirki ugu horeyay ee isalam waa: muscab ibnu cumeyr.
9. waxuu safiir ka noqday: magaalada madiina al-munawarah.

FG: muscab waxuu uu quraanka bari jirray reer madina inta nabiga soo hijroonin.
Title: Re: su`aasha 10:
Post by: Dr.Habiib on August 10, 2011, 05:35:55 AM

su`aasha 10:
 waxaad sheegtaa meeqa mar ayuu qur`aanka ku soo arooray(lagu sheegay) magaca nabiga ee  (maxamed) nabad galiya iyo naxariis korkiis ha ahaate?
Title: Re: jawaabta 10:
Post by: Dr.Habiib on August 10, 2011, 09:42:15 PM

jawaabta 10:
 magaca  nabiga ee (maxamed) nabad galiya iyo naxariis korkiisa ha ahaate waxaa qur`aanka lagu sheegay 4 mar. waa sidan:
1.suuratul aala-cimran . aayada 144.
2.suuratul al-axzaab aayada 40.
3.suuratu maxamed aayada 2.
4. suuratu al-fatxi 29.
Title: Re: Su'aasha 11:
Post by: Dr.Habiib on August 11, 2011, 05:44:32 AM

su`aasha 11:
waxaad sheegtaa magaca  khaliifkii muslimiinta ( amiirkii) amray in salaada taraawiixda la isugo soo baxa oo quraan lagu dhamay sida hadda loo tukaada bisha barakaysan ee ramadaan?
Title: Re: jawaabta 11:
Post by: Dr.Habiib on August 11, 2011, 09:05:01 PM

jawaabta 11:  
khaliifki muslimiinta ee amray in salada taraawiixda la isugu soo baxa si jamaaca ah loo tukada waa :
cumar bin kdadhaab  ( alle ha ka raali noqda)
Title: Re: su`aasha 12:
Post by: Dr.Habiib on August 12, 2011, 06:09:53 AM
su`aasha 12:
quraanka waxaa ku soo arooray wax insi iyo jinni iyo malaa`ik midna aan ahayn.lakiin illahay u waxyooday.
haddaba sheeg magaca shaygaas iyo meesha quraanka uu oga soo arooray?
Title: Re: Su'aalaha Bisha Ramadaan
Post by: Siciido on August 12, 2011, 05:00:40 PM

Bismillah.

Ya'juuj iyo Ma'juuj??? - suuratul Kahf

Title: Re: jawaabta 12:
Post by: Dr.Habiib on August 12, 2011, 08:39:47 PM
waad ku mahadsantahay Siciido  sida wanaagsan isugu dayday jawaabta.
hadaba jawaabta oo sax waa :
 jawaabta 12:
 wax illaah u waxyooday oo aan ahayn insi , jinni iyo malaa`ik midna waa: shinnida malabka samaysa ama af carabiga loo yagaan ( naxli)
waxay  ku soo aroortay suuratu al-naxli aayada 68.
Title: Re: su`aasha 13:
Post by: Dr.Habiib on August 13, 2011, 06:42:42 AM

su`aasha 13:
  waxaad sheegta magacyada laba nabi oo walaal ah oo isku mar qoomkoodi loo soo diray?
Title: Re: Su'aalaha Bisha Ramadaan
Post by: Mukhtaare on August 13, 2011, 06:02:24 PM
waxaa uu nabiga (nabad galiya iyo naxariis kor kiisa ha ahaatee)  quraanka kusoo dageyey 23 sano
Title: Re: jawaabta 13:
Post by: Dr.Habiib on August 13, 2011, 08:42:35 PM

jawaabta oo sax waa :

 jawaabta 13:
 labada nabi isku mar loo diray qoomkooda waa:
1. nabi muuse  nabad galiya korkiisa ha ahaate.
2. nabi haaaruun  nabad galiya korkiisa ha ahaate.

si aad wax badan oga ogaata aqriya ayaadahaan.
   suuratu ( dhaahaa) ayaadaha 41 ila aayada 51.
   suuratu (shucaraa) aayadaha 9 ilaa aayada 16
  suutatu (qasas) aayadaha 29 ilaa 35.
Title: Re: su`aasha 14:
Post by: Dr.Habiib on August 14, 2011, 05:56:31 AM

SU`AASHA 14:
 mas`ala dhaxal:
 qof dumar ayaa geeriyootay adduunka ooga tagay: ninkeedi(zowjkeedi), hooya(umi), iyo adeer aaba la dhashay(cama shaqiiq) waxay hanti ahaan ifka ooga tagtay 300 Gram oo dahab ah.

 Hadaba sheeg sida ay dadkaas wax u kala dhaxlayaan iyo qof walbo waxa uu helay?

FG:
Ha ku degdegin jawaabta haddad cilmiga dhaxalka aad si fiican u aqoonin.
Title: Re: Su'aalaha Bisha Ramadaan
Post by: Mukhtaare on August 14, 2011, 04:53:59 PM
haddii laga bilaabo markii ay soo degtey aaydihii ugu horeeyeyee suurstu iqra' waa 13 sano haddii aan xisaabno markii uu toos u xiriirsadey waa 10
Title: Re: jawaabta 14:
Post by: Dr.Habiib on August 14, 2011, 09:11:44 PM

jawaabta 14:
 xalka mas`alada dhaxalka waa:

dadka wax dhaxlaya:
ninka(zowjka): 1/2  madaama ay jirin dad aya dhashay xaaska ka geeriyooday.
hooyada(umi): 1/3 madaama ay jirin caruur ay dhashay qofka geeriyooday.
adeerka aab la dhashay hantida soo hartay oo dhan ayuu lee yahay kuna qaadanaya waxa loo yaqaana (tacasub).

saham kuu uu qof walba qaadanaya:

ninka (zowjka): 1/2 x 300= 150 gram dahab
hooyada(umi): 1/3x300=100 gram  dahab
adeer ka waxa qadaynaya inta soo hartay oo ah  50 gram (tacasub)
Title: Re: su`aasha 15:
Post by: Dr.Habiib on August 15, 2011, 05:54:15 AM

su`aasha 15:

waxaad sheegt magaca iyo (kunyada) saxaaabigii  axaadiith ta  oogu badan kasoo wariyay nabiga nabad galiya iyo naxariis korkiis ha ahaatee?
Title: Re: jawaabta 15:
Post by: Dr.Habiib on August 15, 2011, 08:26:24 PM
jawaabta 15:
 saxaabigu ugu badnaa oo ka wariya xadhith nabiaga (scw) waa:

abuu hurayra , magaciis saxda ahna waa : cabdi raxmaan bin sakhra  
Title: Re: su`aasha 16:
Post by: Dr.Habiib on August 16, 2011, 05:46:05 AM

su`aasha 16:

sheeg nabigaan (cs):
 nabi ibnu   nabi   ibnu   nabi   ibnu  khaliilu raxmaan.


Title: Re: Su'aalaha Bisha Ramadaan
Post by: Dr.Adnan on August 16, 2011, 06:53:39 AM
Jawaabta Su'aasha 16

Waa nabi Yuusuf Calayhi Salaam....
Title: Re: jawaabta 16:
Post by: Dr.Habiib on August 16, 2011, 08:26:28 PM
Dr.Adnan aad ayaad u mahadsantahay sida wanaagsan ood ugo jawaabtay su`aasha 16 .
jawaabta wa sax .
Title: Re: su`aasha 17
Post by: Dr.Habiib on August 17, 2011, 06:32:44 AM

su`aasha 17:

waxaad sheegtaa sanadkii iyo bisha uu dhacay duullaanki badar (qazwatu badar)?
Title: Re: Su'aalaha Bisha Ramadaan
Post by: Siciido on August 17, 2011, 09:43:29 AM

dagalkii badar wuxuu dhacay sanadkii 2aad ee hijrada, bisha ramadan.
Title: Re: jawabta 17
Post by: Dr.Habiib on August 17, 2011, 08:32:58 PM

Siciido  aad ayaa u mahadsan tahay sida wanaagsan oo su`aasha 17  ooga jawaabtaya.
 jawaabta waa sax .
Title: Re: Su`aasha 18:
Post by: Dr.Habiib on August 18, 2011, 06:26:23 AM
su`aasha 18:
 dadka muslimiinta ah meel walbo ay joogaan waxay  u tukadaan jihada ay ka jirta kacbada.

 haddaba waxaad sheegta labada nabi (cs) ee ugu horeysay ee dhisa kacbada (al-kacba al- musharafah).
Title: Re: Su'aalaha Bisha Ramadaan
Post by: Sadia on August 18, 2011, 01:29:38 PM
Waa nabi ibraahim iyo nabi ismaacil
Title: jawaabta 18:
Post by: Dr.Habiib on August 18, 2011, 08:28:59 PM

waad ku mahadsan tahay Sadia   sida wanaagsan ood uga jawaabtay su`aasha.

jawaabta waa sax.
Title: Re: Su`aasha 19:
Post by: Dr.Habiib on August 19, 2011, 06:00:42 AM

su`aasha 19:
sidaan aan wada ognahay kadib marki uu nabiga ( nadab galiya korkiisa ha ahaate) geeriyooday khilaafada waxaa qabtay abuubakar sadiiq(rc) waxaa ku xigsaday cumar bin khadhaab(rc) waxaa ku  sii xigsaday cismaan bin cafaaan(rc) waxaa ku sii xigsaday cali bin abii dhaalin(rc).
afartaas khaliif waxaa loo yaqaanaa ( khulafaa`u rashidiin).

haddaba waxaa sheegtaa khaliiffka shanaad ee kutubta taarikhda islamka ay ku tiriyaan in uu yahay khaliifka shanaad ee khulafaa`u rashidiin (khaamis khulafaa`u rashidiin).  
Title: jawaabta 19:
Post by: Dr.Habiib on August 19, 2011, 08:30:33 PM

jawaabta 19:

khaliifka lagu tiray in uu yahay khaliifka shanaad  ee khulaafa`u rashidiin (khaamis khulafaa`u rashidiin) waa:
 cumar bin cabdi caziiz (alla ha u naxariista).
Title: Re: Su'aasha 20:
Post by: Dr.Habiib on August 20, 2011, 07:35:00 AM

Su`aasha 20:
ummada waliba  marka ay ka leexdaan wada alle, illaah waxuu u soo diraa rasuul kaasi oo afkooda ku hadla oo umada u sheega xaqqa iyo in  illaah laga baqa, ilaahna uu mid kaliya  yahay waxii ka soo harayna ay khalqi illaah yihiin.
Arrintaas marka ay rusasha la imadaan waxaa ay dadka gaalada ah ee wadada alle ka bayray isku dayaan in rasuulka waxa uu wata beeniyaan oo ay wax walbo oo ay isku hir istaagi karaan in risaaladiisa gudan samaynaan. ayada xaalada qaar xataa ay gaarta in dil loo maleega rusasha.

Haddaba waxaad sheegtaa rasuulkii qoomkiisa ay dabka (naar) u shideen ay  ku tuureen si uu ugubta, lakiin illaah asoo nabad qaba ka soo saaray.
Title: Re: Su'aalaha Bisha Ramadaan
Post by: Siciido on August 20, 2011, 11:16:58 AM

Nabiga ay qoomkiisu isku dayeen inay gubaan waa; nabi Ibrahim (cs)
Title: Re: jawaabta 20:
Post by: Dr.Habiib on August 20, 2011, 08:52:50 PM

[color=red]jawaabta 20:[/color]

Siciido  waad ku mahadsan tahay sida wanaagsan ee su`aasha jawaabta uga bixasay.
 jawaabta waa sax.
 
Title: Re: Su'aasha 21:
Post by: Dr.Habiib on August 21, 2011, 06:12:04 AM
Su`aasha 21:
sida aan ognahay adoomada alle waxaa ku nimcaysatay nimcooyin badan, BINAADANKA   alle waxuu uu siiyay fikar iyo nimcada hadalka oo ay ooga duwan yihiin khalaa`iqda kala sida xaywaanada.

Qur`aanka waxaa  ku arooray laba xaywaan oo hadlay sida bin aadanka oo kale.

Haddaba waxaad sheegta magacyada labadaas  xaywaan iyo meesha ay qur`aanka kaga soo arooren.
Title: Re: jawaanta 21:
Post by: Dr.Habiib on August 21, 2011, 08:26:26 PM

jawaabta 21:
lada xaywaan ee hadla waa :
 1.quraanjada ama  af carabiga loo yaqaana (namli).
 2. Shimbirka hudhud loo yaqaana af caribiga.
waxa ku soo arooreen suuratu AL-NAMLI aayadaha 18 ilaa 24
Title: Re:su`aasha 22:
Post by: Dr.Habiib on August 22, 2011, 06:54:35 AM

su`aasha 22:
 carabta jaziirada carabta dega waqtigii hore waxay la hayeen dhaqama badan oo ka mid ahayaeen.
in wiilka haddii u dhashay dadka magaalooyinka dagan, ay  uu diraan haweenay nuujisa oo baadiyaha degan si wiilkaas uu u barta ad-adeegay iyo afka saxda ah, ayadoo haweenaydaas nuujinaysan la siinaya  maal ay ku xanaanaysa wiilkaas  si ujra ahaan.

 Hadaba waxaad sheegta haweenaydi  nuujisay nabiga (nabad galiya iyo naxariis korkiisa ha ahaate)?
Title: Re: jawaabta 22:
Post by: Dr.Habiib on August 22, 2011, 08:24:35 PM

Jawaabta 22:
 haweenayda nuujisa nabiga ( nabad galiya iyo naxariis korkiis ha ahaatee) waa :
 
XALIIMA SACDIYA  
Title: Re: Su'aasha 23:
Post by: Dr.Habiib on August 23, 2011, 05:51:30 AM


Su`aasha 23:
 waxaad sheegta saxabigii (rc) loo yaqaanay sir-hayihii nabiga (nabad galiyo iyo naxariis korkisa ha ahaate)
  saaxibu siri rasuulilaah.
Title: Re: jawaabta 23:
Post by: Dr.Habiib on August 23, 2011, 08:23:00 PM

jawaabta 23:

saxaabiga loo yaqaana sir-hayihi nabiga (scws) waa:

xudeyfa bin al-yaman
Title: Re: Su'aasha 24:
Post by: Dr.Habiib on August 24, 2011, 06:33:44 AM

Su`aasha 24:

waxaad sheegtaa 4 bil ee loo yaqaana bilaha xurmada ( ash-hurul xurum).
Title: Re: JAWAABTA 24:
Post by: Dr.Habiib on August 24, 2011, 08:37:48 PM
jawaabta 24:
 bilaha a 4 oo loo yaqaana bilaha xurmada (ash-hurul xurum) waa :
cariga waa sidaan :
1. Dul-qacdi.
2. Dul-xijjah.
3. Muxaram.
4. Rajab.

afka soomaliga waa luga kala duwan yahay bilaha magayadooda ani sidaan ayaaan u aqaanaa:
1. sitaal.
2. carafa.
3.zaka.
4. sabuux.
 
Title: Re: Su'aasha 25:
Post by: Dr.Habiib on August 25, 2011, 11:38:22 AM

su`aasha 25:
 waxaad sheegtaa saxaabiga loo yaqaana gabyaagii nabagiga (scws) -shaaciru rasuulilaahi.
Title: Re: Jawaabta 25:
Post by: Dr.Habiib on August 25, 2011, 08:22:12 PM

jawaabta 25:
 saxaabiga loo yaqaana gabyaagii nabiga (scws) waa:

xasaan bin thabit (rc)
Title: Re: su`aasha 26:
Post by: Dr.Habiib on August 26, 2011, 06:40:51 AM

su`aasha 26:
waxaad sheegta magaca nabi nabiyada ka mid ah oo ilaah uu siiyay nabinimo iyo boqortooya wada socata.
Title: Re: jawaabta 26:
Post by: Dr.Habiib on August 26, 2011, 08:15:26 PM

jawaabta 26:
 nabiga nabinimo iyo boqortooya wada socata waa :

nabi sulaymaan ( calayhi salaam).
Title: Re: Su'aasha 27:
Post by: Dr.Habiib on August 27, 2011, 07:10:38 AM

su`aasha 27:
Cilmiga aduunka marwalba wax cusub ayuu gaaray in bin-aadanka ogaada.
Inta badan marka sharciyada la qaadanaya ama danbe la baaray waxaa dadka laga qaada fara oo la sawiro taas oo la ogaaday in uu ilaah qofwalbo fara gooni ah siiyay cidna ay ku qaldami Karin.

haddaba arintaas (faraha dadka in ay isku mid ahayn) quraanka ayaa lagu sheegay 1432 sana ka hor .
sheeg  suurada ay ku soo aroortay iyo aayada raqamkeeda.
Title: Re: jawaabta 27:
Post by: Dr.Habiib on August 27, 2011, 08:19:01 PM

jawaabta 27:
 suurada ay ku soo aroortay waa suuratu qiyaamah aayada 4.
Title: Re: su`aasha 28:
Post by: Dr.Habiib on August 28, 2011, 07:33:31 AM

su`aasha 28:
waxaad sheegta magaca saxaabiyad (waa qof haween ah oo asaxabadii nabiga ka mid ah ) oo awowgeed , aabiheed iyo  ninkeeda iyo wiilkeeda inta ay ahayeen asxaabti nabiga (scws).
Title: Re: jawaabta 28:
Post by: Dr.Habiib on August 28, 2011, 08:35:39 PM

jawaabta 28:
 magaca saxaabiyaada waa :
asmaa binta abii bakar.
 aabaheed waa: abuubakar sadiiq (rc)
awawgeed waa : abuu qaxaafah.(rc).
ninkeedana waa : zubeyr bin al-cawaam.(rc)
wiilkeedana waa : cabdulaahi bin zubeyr (rc).

dhamaantoodna waxaay ahayeen asxabtii nabiga (scws)
Title: Re: su`aasha 29:
Post by: Dr.Habiib on August 29, 2011, 06:53:36 AM

su`aasha 29:
waxaad sheegta magaca suurad quraan ka mid oo dhiganta qur`aanka 1/3 (quraanka thuluthkiis).
Title: Re: jawaabta 29:
Post by: Dr.Habiib on August 29, 2011, 08:06:40 PM

jawaabta 29:
 suurada quraanka thulithkiis waa suuratu ikhlaas (qulhuwalah).