Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on November 04, 2016, 02:56:16 PM
-
Dr salaamulaahi calayk waxan rabaa inaan ogaado waxan markii labaad isku arkayaa gacanta midig oo aan hurdada kasoo tooso ayadoo mayd aad moodo wax dareen iyo dhaqaaq aan lahayn oo balaq ah markii iigu horeeysay aad ayaan u welwelay kadib dareenka dib ayuu usoo laabtaa oo dhaq dhaqaaq ubiloowdaa awal mar mar ayaan soo kici jiray gacan kabaabyo saaran tahay maxaa keena ma kaligeeygaa mise dad badan ayaa sidaan qaba
-
(http://somalidoc.com/Topics/kabaabyogacan.png)
Bismillah,
In hurdada aad ka soo toostid adigoo gacanta aadan dhaqaajin karin oo dareenka oo idil ka wada maqan yahay waa arrin dad badan ay isku arkaan, waana arrin haddii aadan horay iskugu arkin aad ka argagaxi kartid.
Cilladaan waxay boqolkiiba 90% timaadaa markii aad hurudid adigoo gacantaada barkan, taasi waxay keentaa in cadaadis uu fuulo neerfaha gacanta, cadaadiskaas ayaa dareenka ka xiro gacanta, markuu cadaadiska ka batane neerfaha, hurdada ayaa lagaa soo toosiyaa si aad cadaadiska uga qaadid gacanta, markaas ayaadna dareentaa in gacanta ay u eg tahay wax dhintay oo kale oo aadan dhaqaajin karin, waxyar ka dib waxaad dareemaysaa kabaabyo iyo dareen in cirbado gacanta lagaaga mudayo oo kale, waxyar ka dibne si aayar ah ayuu dareenka u soo laabtaa.
Dadka qaar cilladaan way ku badan tahay khaasatan markii ay wehliyaan xaalado kale:
- Dadka aad ugu shaqeeyo gacantooda sida kuwa dharka tolo, kuwa type-ka garaaco ama computer-ka si joogto ah wax ugu qoro iyo dadka joogteeyo isticmaalka maqasta.
- Dadka uu ku yar yahay fitamiinka B, kuwaasoo isku arko badanaa kabaabyo lugaha iyo gacmaha ah, daal iyo caajis badan, akhriso qoraal ku saabsan "Astaamah Fitamiin Yarida": http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5781.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5781.0)
- Haweenka uurka leh waxay isku arki karaan kabaabyada gacanta si ka badan markaysan uur lahayn.
- Dadka qabo xanuunka howlgabka thyroid-ka "Hypothyroidism" iyagane badanaa way isku arkaan cilladaan, akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5559.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5559.0)
- Dadka cayilan ama dadka jirkoodu bararan yahay sida kuwa qabo wadne xanuunka ama kilyo xanuunka way isku arkaan cilladaan kabaabyada gacanta.
Haddii aad leedahay mid ka mid ah xaaladahaan kore, waxaa laga yaabaa in si kabadan dadka kale aad iskugu aragtid kabaabayada gacanta markii aad hurdada ka soo toostid, laakiin ma ahan arrin aad looga welwelo waana arrin ku meel gaar ah.
Akhriso Kabaabyada / Kabuubyada Guud Waxa Keeno: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1747.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1747.0)
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)