Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jamaal Mahad Axmed on September 05, 2015, 06:57:46 PM

Title: Su'aal: Xiniinyaha oo bararsan?
Post by: Jamaal Mahad Axmed on September 05, 2015, 06:57:46 PM
asc dhakhaatirta waxan idinku salamay sln islaamka.
waxan dareemayaa xiniiyaha bidix oo xididdada bararsanyihiin markan taabto waxan u tagay dhakhtar wuu i baaray waxuu dhahay  waxaa ku haayo varicocela normal ah oo wax dhib ah aan kugaysaneyn  wax xanuun ah kama dareemo marka waxan maqlay cudurka galaha iyo varicocela wa isku mid ma runbaa    ma hal cudurbaa mar hadan wax xanuun ah aanan dareemayn dhalmada ma saamaynyaa
Title: Re: Su'aal: Xiniinyaha oo bararsan?
Post by: SomaliDoc on September 07, 2015, 12:07:09 PM
Varicocele iyo Galaha isku shaqo ma ahan.
Inkastoo dadka si qaldan xanuunkaan barariyo xididadaha qooraha ay Gale ugu yeeraan, halkaan ka baro waxa uu yahay xanuunka Galaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1057.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1057.0.html)
Waxaa kaloo halkaan ka akhrisan kartaa qoraal ku saabsan xanuunka uu dhakhtarka kugu sheegay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3852.msg11456.html#msg11456 (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3852.msg11456.html#msg11456)

Haddii aad faahfaahin u baahatid waad na soo waydiin kartaa.