Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Barkhat on July 05, 2018, 09:42:16 PM

Title: Su'aal: Hooyo naas nuujinaysa oo ka shakisan uur?
Post by: Barkhat on July 05, 2018, 09:42:16 PM
Asc marka hore salaamtaa qaaliga ah ayaan walaalahayga digtoorada ah ku salaamayaa.Bacda salaan, wll suaashaydu waa sidan:Gabadh ilmo jaqsiinaysa oo shan bilood iyo badh naaska jaqsiinaysay ayaa calaamadihii uurka ee ay isku arki jirtay iskuaragtaySida wadne-xanuun iyo xudunta hoosteeda oo ay uurka ku garan jirtay,Markaan qaadi ka qaadayna negative ayuu odhanayaa, tiraba dhawr jeer baan shaybaadhka geeyay waa negative, iyaduna uur baa jira ayay leedahay.Hadaba suaashaydu waxay tahay ma dhici kartaa in naaskan ilmuhu nuugayaa qarinayo natiijadii ahayd in kaadida uur lagahelo.Naaska ilmuhu nuugayaa ma qarin karaa result-ga baadhista.Gabadha ayaa waxay taagan tahay sababta uurka looga heliwaayay kaadidu waxa weeye naaskan aan ilmaha nuujinayo.Hadaba ma dhicikartaa in naas nuujintu qarinayso?.
Title: Re: Su'aal: Hooyo naas nuujinaysa oo ka shakisan uur?
Post by: SomaliDoc on January 08, 2019, 08:19:50 PM
Maya naas nuujintu ma qariso uurka, shaqane iskuma lahan.. hadduu uur jiro waxaa laga yaabaa inaysan ka soo wareegan muddadii lagu ogaan lahaa uurka amaba inuusanba uur jirin oo cillad kale jirto.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan, hooyo nuujinayso haddii ay uur isku aragto maxay samaynaysaa: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2529.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2529.0)