Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Khalled Mohamed on June 11, 2017, 04:18:39 AM

Title: Su'aal: Maxaa sababa mataga xiliga cuntada ka dib?
Post by: Khalled Mohamed on June 11, 2017, 04:18:39 AM
Asc ramadan karim dhaakhaatiirta sharafta leh salan kadib
Waxan qabaa dr su'aal ah in aan isku arkay muddo sanad ah oo aan wadankii kasoo maqanahay matag iyo yalaalugo marka aan cuntada cuno ka dib i qabanaaya marka aan dareemana aan cuntada joojinaayo sababtu maaha inan aad u dhargay anigon cuntadii ka dharginban matagayaa  cilada labaad waa tabar darri inan daalo dhabarka sidii wax naqasku hayo oo kale ama oofi ku taagantahay oo kale ayan noqonayaa hadan yara foorarsado waxoogaa lugaha inta hoose oo an kka daalayo dr talo siintaada ayan u baahanahay plz
Wabilahi towfiiq wad mahadsantihim
Title: Re: Maxaa sababa mataga xiliga cuntada ka dib
Post by: SomaliDoc on March 09, 2018, 07:07:58 PM
Waxay astaamahaada u egyihiin in infekshan caloosha uu jiro sida gooryaan ama bakteeriyo taasoo keeni karto lalabada, matagga, daalka, murqo xanuunka, caajis badan iyo neeftuur markaad howl qabatid ama jaranjaro aad fuushid.

Taladaydu waa inaad shaybaarka tagtaa oo aad saxarada iska qaadaa si loo ogaado waxa ku hayo.