Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashom on April 21, 2016, 07:51:30 PM

Title: Su'aal: Waxaa i xanuunto cajar ka qeeyb Kore?
Post by: Ashom on April 21, 2016, 07:51:30 PM
Waxaa i xanuunto cajar ka qeeyb Kore
Ama loo yaqaan thigh..cajar ka qeeybta banan ka oo jeeb ka hore ee surwaal Ku aadan .markan fadhiga badsado ama xafiis ka fadhiyo meeshaS ayaa I xanuunee   waana garaacaa oo feer ayaa Ku dhuftaa .xanuun kaas na ma ahan mid LA taaban karo meesha oo ka socdo lkn waxaa moodaa seed I xanuunaayo oo kale .waxoon I qabtaa markaa kuraasta Ku fadhiyo gaar ahaan kuwa caaga ah ee somalidu u badan tahay .
Title: Re: Su'aal: Waxaa i xanuunto cajar ka qeeyb Kore?
Post by: SomaliDoc on May 06, 2016, 09:54:31 PM
Waa xanuun muruqa oo soo kogo ka dhasho ama muscle spasm, waxayna ku badan tahay dadka jimicsado ama biaraha qaadqaado ama isticmaalo daawooyinka murqaha lagu dhiso.
Waa xanuun muddo gaaban qofka haynayo, wuxuuna rabaa qofka inuu cadaadiyo ama feer ku dhufto, waxyar ka dibne way ka tagtaa.
Waxaa soo kociyo markii muruqaha cajirka uu kala jiidmo sida markuu qofka fadhiyo jilbahane uu soo laabo sida kuraasta markii lagu fadhiisto oo kale.