Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mame534 on February 16, 2016, 10:04:38 PM

Title: Su'aal: Madax xanuun badan xataa waan matagaa?
Post by: Mame534 on February 16, 2016, 10:04:38 PM
dr ascm waxaan leeyahay madax xanuun badan xataa waan matagaa markuu xoog iixanuuno
markaan seexdo aroortii uu ibogsataa intabadan marka ay qadada wakhtiga aan dhaafiyo
Title: Re: Su'aal: Madax xanuun badan xataa waan matagaa?
Post by: SomaliDoc on February 24, 2016, 02:19:51 PM
Madax xanuunka wuu noocyo badan, waxaa jira nooc ka dhasha cadaadiska maskaxda oo siyaado loona yaqaano "Itracranial Pressure", haddii madax xanuunkaagu uu leeyahay matag, iftiinka oo ku dhibo iyo aragga oo caad kaa fuulo, waa in dhakhtarka si dhakhso ah ula xiriirtaa, waxyaabaha keeni karo waxaa ka mid ah: infekshanka maskaxda ku dhaco sida meningitis-ka, daawooyinka qaar iyo cudurro kale.

Akhriso qoraal ku saabsan noocyada madax xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html)