Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mmfiqi on June 20, 2017, 04:51:29 AM

Title: Su'aal: Waxan soomaalida ay u taqaan muruqa?
Post by: Mmfiqi on June 20, 2017, 04:51:29 AM
asc wr wb. waad mahadsantihiin dhamaantiin.
1. waxaan rabay inaan wax ka ogaado waxan soomaalida ay u taqaan muruqa ee meela badan oo jirka ka mid ah asiibo soomaalidu ay riixdo oo tuujiso oo la daliigo (hada garab hoostiisa ayuu iga hayaa halka ku aadan oo feeraha ahna xanuun ayaan ka dareemayaa)
2. waa maxay CAANO kaxato fiix yar yar oo dadka ka soo daato. mararka qaarna jirka qolof iyo cun cun badan ku sameeyo.
3. candhuuf iyo calyo badan mararka qaarna abur cad oo dhanaan noqoto.
mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Waxan soomaalida ay u taqaan muruqa?
Post by: SomaliDoc on March 25, 2018, 06:26:21 PM
1- Muruqa waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Muscle spasm" oo ah in muruqa uu kogo ama dabasanaan waayo, waxaana badanaa lagu arkaa dhabarka iyo garbaha, dhakhaatiirtu waxay qofka u diraan jimicsi ama daliigis iyadoo wax kulul ama koronto la adeegsanayo waxaana latacaalkaan loo yaqaanaa "Physiotherapy".

2- Inkastoo caano-gocatada dad badan ugu yeeran nabro badan oo jirka ka soo baxo, laakiin midka loogu badan tahay waa xanuunka la dhaho "Shingles" ee ka akhriso faahfaahintiisa qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3277.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3277.0)

3- Candhuufta ama calyada badan waxay tilmaan u noqon kartaa dhowr xaaladood ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3111.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3111.0)