Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shaaficifalcoa on June 20, 2017, 09:03:10 PM

Title: Su'aal: Duray soo noq noqda in badan?
Post by: Shaaficifalcoa on June 20, 2017, 09:03:10 PM
asc walalayal somalidoc,
Waxaa aan in mudo ah igu soo noq noqda hargabka/durayga aniga oo labadii isbuucba mar sanku i xidhmo kaliya intaas ma ahane sanku mar i xidhmo ma qufaco balse labada dul ee sanka mid ka mid ah ayaa i dareera/hoora mudo ku dhow 5 malmod kadib aya laga yabaa inan qufac bilaabo ama iga baxo waxaa uuna iga maqnada waa wax yar. cilada aan isku arkaa waxay tahay sida caadiga ah isaga oo aan duray i haynin ayaan markii aan weysaysanayo ama madaxa biyo yar ku shubo bilaabaa hindhiso badan mararka qaankoodna markan hindhiso waxaan dareemaa ur qadhmuun oo anan jeclaysan oo sankayga ka soo baxda.
wll i caawiya jwbtina waa ii muhiim.
mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Duray soo noq noqda in badan?
Post by: SomaliDoc on April 05, 2018, 01:55:35 PM
Hergabka soo noqnoqdo waxyaabaha keeno waxaa ka mid ah difaac yarida iyo adigoo u nugul caabuqa feyrasyada ee ka baro casharkaan siyaabaha dabiiciga ah ee lool tacaalo hergabka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6018.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6018.0.html)

Midda kale cabburka iyo sanka neefta ka soo baxday oo urayso iyo hergab kugu soo noqnoqdo waxaa lagu gartaa cillada caabqua sanka ee loo yaqaano "Sinusitis" ee ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5636.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5636.0)