Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hasan_c.h.c on November 14, 2007, 07:55:40 PM

Title: Kansarka Malawadka "Colo-rectal Cancer"
Post by: Hasan_c.h.c on November 14, 2007, 07:55:40 PM
Help .... if anyone has some info,, I would appreciate some help.

My FIL had colon/rectal CA 1 yrs ago. Had a colostomy at that time. One yr ago had some prostate CA and had a TURP and then an orchidectomy. Now he just was dx with bladder CA (primary colon) and just had an 8 hr surgery done last Friday. He had an ileoconduit performed and the bladder removed. The surgeon moved his colostomy to the other side of his abdomen and there is only one stoma for both bowel and kidney function.

My question is: How does this arrangement keep bacteria such as e-coli from infecting the kidneys? He currently has two stents coming out of the stoma site. The discharge is brownish liquid and smells of stool. We will not see the operating surgeon until possibly Wednesday, and this is driving me and SIL crazy. (And MIL....we are all 3 nurses.)

Also, we are all aangry b/c the surgeon did not come out to see us after the operation was over.......we have numerous questions, and we don't even know if they got "all the CA" out or not. One resident saidd yes and one said no.

PLEASE: If anyone has any help, please reply. I have searched the WEB but can't find help for my q's.
next q's is what is the cause of the rectal ca or pathophysiology rectal ca
THANK YOU !
Title: Re: Quation + Help
Post by: Admin on November 16, 2007, 02:20:08 AM
Colorectal Cancer
Waxaa kaloo loo yaqaanaa "colon cancer" or bowel cancer, waa cancerka 3-aad ee dunida ugu badan  iyo kan 2-aad dhinaca dhimashada.
sanadkasta waxaa u dhinta 655,000 oo qof aduunka oo dhan.

Qofku inuu cancerkaas qabo waxaa lagu ogaan karaa iyadoo lagu baaro waxa loo yaqaano "colonoscopy", daaweyntiisane waa qaliin kaliya, inkastoo xaladaha badankood lagu daro "chemotherapy".

Calaamadaha:
cancer-kaan badanaa calaamado lagu fahmo malahan ilaa uu ka gaaro xaalad xun, sidaa awgeed dadka ka waaweyn 40 sano waa laga baaraa si routine ah.
Hadii calaamado uu lahaadane waxa ay ku xirantahay cancerka qeybta uu uga dhacay, markastoo meesha uu ku dhacay u dhawdahay dabada kulamaa calaamadaha la arko.
Waxaa kaloo jira calaamado aan xiriir la laheen meeshu cancerka uu ku dhacay oo laga helo qofka noocaan ah:
Waxaa kaloo jiro calaamado lagu fahmo markuu cancerku uu faafo oo uu gaaro xubno kale oo jirka ka tirsan:

Maxaa keeni kara cudurkaan?
Ilaa iyo hadda ma jirto wax la ogyahay oo keeno cancerkaan, laakiin waxaa jira waxyaabo siyaadiya qatarta cudurkaan ama soo dadajiyo inuu kugu dhaco cudurkaan, waxaana ka mid ah:

Sidee lagu ogaadaa cudurkaan inaan qabo?
waxa lagugu sameynayaa baaritaano noocyo badan leh, kuwaasoo ka mid ah:

Waa noocee cancerkaan?
hadii la baaro unugyada cancerkaan waxa ay ukala baxaan noocyo dhawr ah, laakiin 95% waxaa ay noqonayaan "Adenocarcinoma" (waana nooca ugu xun), kuwa kale oo iyagane ah "Lymphoma" iyo "Squamouse cell carcinoma".

Hadii aan qabo cudurkaan, sidee ku ogaan karaa qatartiisa inta ay gaarsiisantahay?
Cancer walba waxa uu leeyahay waxa loo yaqaano "Staging" ama marxaladeyn, oo lagu ogaanayo heerka uu gaarsiisanyahay cancerkaan, tani faaidadeedu waxa ay faaido u tahay bukaanka iyo dhakhtarka qaliinka sameynayo.
Cancerkaan marka la marxaladeynayo waxa la adeegsadaa nidaamyo kala duwan, laakiin waxaa ugu caansan uguna sahlan Duke ("Duke System", kaasoo u kala qaybinayo sidatan:

Maxaa daawo u ah cudurkaan?
Daaweynta cancerkaan waxa ay xiriir la leedahay marxaladaeynta aan kor ku soo xusnay, hadii cancerka marxalada ugu horeysa la arko, uusan meelne u faafin waa la daaweyn karaa.
Daaweyntiisane waa in la qalo oo la gooyo qeybta uu gaaray cancerkaas, kadibne la raacsiiyo "Chemotherapy iyo Radiotherapy" taasoo ay xadideeyso markale marxaladeynta.
Marka qaliinka kaliya uu qofku ku daawoobi karo waa markii cancerka meelne u dhaqaaqin oo hal meel oo kaliya ku egyahay, laakiin haduu ka gudbo oo dhakhtarku ogaado in qaliin kaliya aysan waxne tareynin, wuxuu sameeyaa "Colostomy" markii uu xubinta uu gaaray oo wada gooyo.
Colostomy waa in qofka dhinac caloosha kamid ah uu furo kadibne ku xariiriyo qeyb xiidmaha ka mid ah si qofka dhinacaas uga saxaroodo.

Maleeyahay daawo ama talaal ka hortag ah cancerkaan?
Waxaa xusid mudan in mar hadda laga joogo sanad (november 2006) ay shirkad british ah ay sheegtay inay ku guuleysatay in ay sameysay talaal loogu tala galay cancerkaan, una bixisay "TroVax", laakiin wax information dheeri ah kama hayo.

Intee la egtahay haduu cudurkaan igu dhaco inaan ka badbaado?
Sida aan soo sheegnay cancerkaan waa lambar labo aduunka dhinaca dilitaanka bukaanka, taasoo sabab u ah in aan horay laga fahmin, iyo isagoo si dhakhso ah u faafo.
laakiin hadii qofku islamarkuu ku dhaco cancerkaan la daaweeyo, badbaadadiisu waxa ay ka badantahay 5 jeer qofkii waqti danbo lagu arko, tani waxaa lagu ogaan karaa in qaliinka ka hor iyo kadiba laga baaro bukaanka waxa loo yaqaano "CEA level = Carcinoembryonic antigen test".

Walaal Hasan, hadii aan u imaado su'aashaada ku saabsan "Ileal Conduit".
"Ileal Conduit" waxaa loo yaqaanaa markii kaadida loo sameeyo meel kale oo lagu xareeyo kana soo baxdo, waxaana la isticmaalaa markii kaadi haysta ay mushkilad gaarto.
xariga kadida ay soo raacdo ayaa lagu xariirinayaa qeybta xiidmaha oo loo yaqaano "Ileum", qofka biniaadanka waxa uu qabaa hal "Ileum" taasi oo macnaheeda ah, saxarada iyo kaadida hal meel ayey ka soo wada baxayaan.
Mida ku saabsan infection-ka waa sax way dhici kartaa in qofka loo sameeyay qaliinka noocaan ah uu infection qaado, sidaa awgeed waa in bukaanka la baraa calaamadaha infectionka kaadida ku dhaca.
Bukaanka loo sameeyay "Colostomy + Urostomy" waxa uu u baahanyahay xanaaneyn gooni ah, sidaa darteed wadamada horay u hormaray waxa ay leeyihiin waxa loo yaqaano "Stoma Nurses" oo ah kalkaaliyaal loogu talagalay bukaanka noocaan oo kale.

Dr.Mahdi

Title: Re: Quation + Help
Post by: Hasan_c.h.c on November 17, 2007, 01:43:21 PM
 walaal aad ayaad umahadsan tahay sida wanaagsan ee aad iiga soo jawaabtay su'aalahaygii ALLAHANA ha kaa ajirsiiyo aad ayaana ugu qancay mar labaadna waxaan ku leeyahay aad ayaad u mahadsan tahay dr mahdi