Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mo Digdig on September 10, 2015, 02:10:10 PM

Title: Su'aal: Maxaa keena gacmaha oo kululaada?
Post by: Mo Digdig on September 10, 2015, 02:10:10 PM
Maxaa keena gacmaha oo kululaada
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena gacmaha oo kululaada?
Post by: SomaliDoc on September 11, 2015, 12:53:27 PM
Fadlan halkaan ka akhriso waxa keeno in gacmaha iyo lugaha kuleel aad ka dareento iyo waxyaabaha looga hortagi karo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5716.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5716.0.html)
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena gacmaha oo kululaada?
Post by: Mo Digdig on September 11, 2015, 05:50:48 PM
Dr. Waad mahadsanthy,
 
Aniga su'aasheydu waa ka gadisan tahay caga iyo gacmo hurka.

Waa maqaarka labada gacmood korkooda ah oo ololaayo (huraayo).

Fadlan saas u fahan
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena gacmaha oo kululaada?
Post by: SomaliDoc on September 13, 2015, 01:21:53 PM
Huritaan iyo olol waa isla meeshii waxaana keeni karo dhowr shey oo kala ah:
1- Haddii aad xasaasiyad gacmaha aad qabtid.
2- Haddii fitamiinka qaar ay kugu yaryihiin.
3- Haddii cilad xaga neerfaha uu jiro oo dareenka oo sax gacanta aysan u soo gudbaynin.
4- Haddii aad qabtid gaastiriko ama jirkaaga uu ku badan yahay acid-ka way keeni kartaa.
5- Haddii ay jirto cillad maqaar ama cillad qanjirka dhididka soo saaro ee gacmaha iyadane gacmo hur way keentaa.

Fadlan la xiriir dhakhtar si laguu daaweeyo.