Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Amka12 on June 16, 2015, 11:18:39 PM

Title: Su'aal: Stress or Depression?
Post by: Amka12 on June 16, 2015, 11:18:39 PM
Doctor waan ku salaamaya bada doctor aniga waxaan ahay gabar ilaa mud ah qaadanayaa kaniinkas depression ama stress ka oo loo yaqaano Lexapro waxaa ii qoray doctor soomaali ah waxaana u sheegay inaya hurdada igu yareyd ilaa iyo dhowr sano oon qaadanayey kaninka hurdada markaas ayuu kaninka Lexapro loo yaqaano ii qoray ilaa 4 years ayaan qaadanayaa wax waqtiyadi hore waa shaqayn jiray hada iima shaqaynayo ee walaalow wax talo ah ii sheeg inaan iska joojiyo ayaan isku dayey way igu adkaatay joojintisa maxaa yeelay qof shaqaysato subaxii ayaan ahay wareer iyo hurdo la'aan ayaa igu siyaaday ilaahay ayaan caafimaad ka baryayaa adna caawimaad ayaan kaa rabaa fadlan jawaab isoo qor sida aad ku awoodo thanks
Title: Re: Su'aal: Stress or Depression?
Post by: SomaliDoc on June 17, 2015, 11:04:32 PM
Sababta aad doonaysid in aad daawada iskaga joojisid maxay tahay? Ma waxyeello dhinaca daawada miyaa iskua aragtay? Maxay ahaayeen astaamihii hore aad dareemi jirtay, haddane maxaa kugu horay? Ma jirtaa waqti xoogaa dheer aad joojisay muddadaas aa daawada qaadanaysay? Maxaa dareentay markii aad joojisay? Ma jirtaa in mar daawada laguu kordhiyay cabbirkeeda ama aad yaraysay ama mar daawo kale lagugu daray?

Daawooyinka loo qaato maskaxda, sida isku-buuqa ama niyad jabka, markii la rabo in la joojiyo waa in su'aalahaas iyo kuwa ka badan laga jawaabo si loo fahmo inta uu la egyahay adkaysigaaga iyo inaa daawada ka sabri kartid ama la'aanteed aad nolol fiican heli kartid.

Halkaan ka akhriso qoraallo ku saabsan stress-ka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1704.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1704.0.html)
Title: Re: Su'aal: Stress or Depression?
Post by: Amka12 on June 18, 2015, 06:43:32 PM
Haa doctor waxaan daawada rabaa inaan u joojiyo caafimaadkayga ayaa siiyaraday xanuunyo badan ayaan isku arkay sida caadi da oo igu soo dag dag to hurdo la'aan badan  cay I'll ama buried aan lahan jirin marka walaalow maxaad iga caawin kartaa daawada ilaa almost 4 years waan qadanaya wax is badal ah kuma haysto mida labaad hada ka hor daawada waan qaatay hal sano ka bacdi na waan caafimaad ay oo dhaqtar ka iga joojiyey Lexapro 5mg ayan ka bilaabay hadana 10mg ayaa la igu badalay waana ku fiicnaday markaas ilahay baana igu caafiyo alxamdulilah. Marka hada markaan 5mg.10mg.20mg intana waan qaatay wax is badal ah ma jiro dhaqtar  hada waxan regular u qaataa 10mg marka maxaa talo igula talinysaa walaalayaal
Title: Re: Su'aal: Stress or Depression?
Post by: SomaliDoc on June 20, 2015, 04:19:13 PM
Amka12, waxaan kugula talinayaa in aad takhtar Psychiatrist ah la xiriirto si uu xaaladdaada u qiimeeyo in aad u baahan tahay in daawada lagaa badalo ama wixii kaloo talo ah isagoo wax ku dhisayo xaaladdaada.
Wax badan xanuunnada maskaxda waxay u baahan tahay aragti dhakhtar iyo waraysi dheer iyo la socosho muddo dheer oo dhinaca daawada ah, sidaa awgeed kama maarmaysid dhakhtarkaas.

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.