Somali Medical Forums
General Discussions => Feel Free Here => Topic started by: Dr.Habiib on August 01, 2011, 06:18:49 PM
-
AQOON KORARSIGA BISHA RAMDAAN:
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAHI WABARAKAATUH.
RAMADAAN KARIIN ASXABTA DHAMAN MEEL WALBO ADUUNKA AAD KA JOOGTAA .
INSHA ALLAAH WAXAAN ISWEYDIIN DOONA MAALIN WALBO BISHA RMADAAN AH SU`AAL DIINA OO QOF WALBO U FURAN INUU KA JAWAABA.
JAWAABTA SAXDA AH EE SU`AASHAAS WAXAAN SOO SARI DOONA HABEENK KA DANBEYSA MALINTA SU`ASHA AAN SOO QORAY MARKA AY TAHAY 8:00 FIIDNIMA EE MAGAALADA MAKKA AL MUKARAM
SU`AASHA 1:
WAXAAD SHEEGTAA INTA RAMADAAN OO UU SOOMAYA NABI MAXAMED NABAD GALIYO IYO NAXARIIS KOR KIIS H AHAATEE?
JAWAABTA LAGAA RABA WAA TIRADA OO KALIYA.
By. Dr. HABIIB
-
Waqtiga oo dhacay owgeed jawaabta oo sax waa:
JAWAABTA SU`AASHA KOOWAAD:
WAXA UU SOOMAY NABI MAXAMED NABAD GALIYA IYO NAXARIIS KORKIIS HA AHAATEE 9 RAMANAAN.
-
Su`aasha 2:
waxaad sheegta sanadka hijrayada ee la farad yeelay soonka bisha barakeysan ee ramadaan?
-
waxaa la farad yeeley soonka sanakii labaad ee hijriga
mukhtaar shariif c/raxmaan
-
waad ku mahadsan tahay mukhtaare sida wacan oo aga jawaabtay
JAWAABTA SU`AASHA 2:
waxaa la farad yeelay soonka sanadkii 2 ee hijriyada.
-
SU`AASHA SADEXAAD:
waxaad sheegta magacyada laba suurad oo quraanka mid oo loo yaqaana (zahrawaan) kuwaasi oo imaan doona ayaga hogaaminaya qu`aanka maalinta qiyaama.
-
waqtiga oo dhacay owgeed.
jawaabta 3:
labada suurad oo loo yaqaana ( zahrawaan) waa:
1. al. baqara.
2. aala-cimraan
-
su`aasha 4: waxaad sheegtaa suurad quraank ka mid ah oo ayad walbo oo aayadeehada ka mid ah uu ku jira lafdul jalaaha allaah(????)
-
jawaanti oo sax waa:
jawaabta 4:
suuratu mujaadalah.
ama sida dadkii looxa quraanka ku soo bartay ay u yaqaanaan (qadsamica laahu)
-
su`aasha 5:
Dadka sooma aakhira alle abaal wayn ayuu u balan qaaday, waxaa ka mid ah in ay leeyihiin albaab albaabada jannada ka mid ay ka gali doonaan dadka sooma oo kaliya.
Haddaba waxaad sheegta magaca yaqaaana albaabkiisi (baabkaas)?
-
jawaabt oo sax ah waa:
jawaabta 5:
albaabka jannda ee u gaar ah in ay dadka sooma ay ka gallaan waxaa loo yaqaanaa (baabu Al-rayyaan)
-
su`aasha 6 :
waxaad sheegta magacyada rususha loo yaqaana (ulul-cazmi) nabad galiya korkooda ha ahaatee?
-
assalaamu caleykum wr wb
Rususha loo yaqaano ulul-cazmi waa;
Nabi Ibrahim (cs)
Nabi Nuux (cs)
Nabi Muuse (cs)
Nabi Ciise (cs)
iyo
Nabi Maxamed (scws)
-
wacalykum salam warax matulaahi wabaraaku tuh.
saciido waad ku mahadsantahay sida wacan aad ugu jawaabtay su`aasha 6.
jawaabta waa sax.
-
su`aasha 7:
waxaad sheegta meeqa sana ayuu qur`aanka uu ku soo dagayay nabi maxamed (nabad galiya iyo naxariis kor kiisa ha ahaatee)?
-
asc wr wbr
wuxuu waxyiga nabiga naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaate ku soo dagaayay 23 sano
-
waad ku mahad san tahay Deeqe Luul sida wacan oo su`aasha 7 uga jawaabtay.
jawaabta waa sax.
jawaabta 7:
quraanka nabi maxamed(scws) waxuu ku soo dagayay 23 sano.
-
su`aasha 8 iyo 9:
8. waxaad sheegtaa magaca safiirkii ugu horeyay ee islaamka waqtigi nabiga (nabad galiya korkiis ha ahaatee)?
9. sheeg magaca magaalada loo diray in safiir ka noqda?
-
jawaabta oo sax waa:
8. safiirki ugu horeyay ee isalam waa: muscab ibnu cumeyr.
9. waxuu safiir ka noqday: magaalada madiina al-munawarah.
FG: muscab waxuu uu quraanka bari jirray reer madina inta nabiga soo hijroonin.
-
su`aasha 10:
waxaad sheegtaa meeqa mar ayuu qur`aanka ku soo arooray(lagu sheegay) magaca nabiga ee (maxamed) nabad galiya iyo naxariis korkiis ha ahaate?
-
jawaabta 10:
magaca nabiga ee (maxamed) nabad galiya iyo naxariis korkiisa ha ahaate waxaa qur`aanka lagu sheegay 4 mar. waa sidan:
1.suuratul aala-cimran . aayada 144.
2.suuratul al-axzaab aayada 40.
3.suuratu maxamed aayada 2.
4. suuratu al-fatxi 29.
-
su`aasha 11:
waxaad sheegtaa magaca khaliifkii muslimiinta ( amiirkii) amray in salaada taraawiixda la isugo soo baxa oo quraan lagu dhamay sida hadda loo tukaada bisha barakaysan ee ramadaan?
-
jawaabta 11:
khaliifki muslimiinta ee amray in salada taraawiixda la isugu soo baxa si jamaaca ah loo tukada waa :
cumar bin kdadhaab ( alle ha ka raali noqda)
-
su`aasha 12:
quraanka waxaa ku soo arooray wax insi iyo jinni iyo malaa`ik midna aan ahayn.lakiin illahay u waxyooday.
haddaba sheeg magaca shaygaas iyo meesha quraanka uu oga soo arooray?
-
Bismillah.
Ya'juuj iyo Ma'juuj??? - suuratul Kahf
-
waad ku mahadsantahay Siciido sida wanaagsan isugu dayday jawaabta.
hadaba jawaabta oo sax waa :
jawaabta 12:
wax illaah u waxyooday oo aan ahayn insi , jinni iyo malaa`ik midna waa: shinnida malabka samaysa ama af carabiga loo yagaan ( naxli)
waxay ku soo aroortay suuratu al-naxli aayada 68.
-
su`aasha 13:
waxaad sheegta magacyada laba nabi oo walaal ah oo isku mar qoomkoodi loo soo diray?
-
waxaa uu nabiga (nabad galiya iyo naxariis kor kiisa ha ahaatee) quraanka kusoo dageyey 23 sano
-
jawaabta oo sax waa :
jawaabta 13:
labada nabi isku mar loo diray qoomkooda waa:
1. nabi muuse nabad galiya korkiisa ha ahaate.
2. nabi haaaruun nabad galiya korkiisa ha ahaate.
si aad wax badan oga ogaata aqriya ayaadahaan.
suuratu ( dhaahaa) ayaadaha 41 ila aayada 51.
suuratu (shucaraa) aayadaha 9 ilaa aayada 16
suutatu (qasas) aayadaha 29 ilaa 35.
-
SU`AASHA 14:
mas`ala dhaxal:
qof dumar ayaa geeriyootay adduunka ooga tagay: ninkeedi(zowjkeedi), hooya(umi), iyo adeer aaba la dhashay(cama shaqiiq) waxay hanti ahaan ifka ooga tagtay 300 Gram oo dahab ah.
Hadaba sheeg sida ay dadkaas wax u kala dhaxlayaan iyo qof walbo waxa uu helay?
FG:
Ha ku degdegin jawaabta haddad cilmiga dhaxalka aad si fiican u aqoonin.
-
haddii laga bilaabo markii ay soo degtey aaydihii ugu horeeyeyee suurstu iqra' waa 13 sano haddii aan xisaabno markii uu toos u xiriirsadey waa 10
-
jawaabta 14:
xalka mas`alada dhaxalka waa:
dadka wax dhaxlaya:
ninka(zowjka): 1/2 madaama ay jirin dad aya dhashay xaaska ka geeriyooday.
hooyada(umi): 1/3 madaama ay jirin caruur ay dhashay qofka geeriyooday.
adeerka aab la dhashay hantida soo hartay oo dhan ayuu lee yahay kuna qaadanaya waxa loo yaqaana (tacasub).
saham kuu uu qof walba qaadanaya:
ninka (zowjka): 1/2 x 300= 150 gram dahab
hooyada(umi): 1/3x300=100 gram dahab
adeer ka waxa qadaynaya inta soo hartay oo ah 50 gram (tacasub)
-
su`aasha 15:
waxaad sheegt magaca iyo (kunyada) saxaaabigii axaadiith ta oogu badan kasoo wariyay nabiga nabad galiya iyo naxariis korkiis ha ahaatee?
-
jawaabta 15:
saxaabigu ugu badnaa oo ka wariya xadhith nabiaga (scw) waa:
abuu hurayra , magaciis saxda ahna waa : cabdi raxmaan bin sakhra
-
su`aasha 16:
sheeg nabigaan (cs):
nabi ibnu nabi ibnu nabi ibnu khaliilu raxmaan.
-
Jawaabta Su'aasha 16
Waa nabi Yuusuf Calayhi Salaam....
-
Dr.Adnan aad ayaad u mahadsantahay sida wanaagsan ood ugo jawaabtay su`aasha 16 .
jawaabta wa sax .
-
su`aasha 17:
waxaad sheegtaa sanadkii iyo bisha uu dhacay duullaanki badar (qazwatu badar)?
-
dagalkii badar wuxuu dhacay sanadkii 2aad ee hijrada, bisha ramadan.
-
Siciido aad ayaa u mahadsan tahay sida wanaagsan oo su`aasha 17 ooga jawaabtaya.
jawaabta waa sax .
-
su`aasha 18:
dadka muslimiinta ah meel walbo ay joogaan waxay u tukadaan jihada ay ka jirta kacbada.
haddaba waxaad sheegta labada nabi (cs) ee ugu horeysay ee dhisa kacbada (al-kacba al- musharafah).
-
Waa nabi ibraahim iyo nabi ismaacil
-
waad ku mahadsan tahay Sadia sida wanaagsan ood uga jawaabtay su`aasha.
jawaabta waa sax.
-
su`aasha 19:
sidaan aan wada ognahay kadib marki uu nabiga ( nadab galiya korkiisa ha ahaate) geeriyooday khilaafada waxaa qabtay abuubakar sadiiq(rc) waxaa ku xigsaday cumar bin khadhaab(rc) waxaa ku sii xigsaday cismaan bin cafaaan(rc) waxaa ku sii xigsaday cali bin abii dhaalin(rc).
afartaas khaliif waxaa loo yaqaanaa ( khulafaa`u rashidiin).
haddaba waxaa sheegtaa khaliiffka shanaad ee kutubta taarikhda islamka ay ku tiriyaan in uu yahay khaliifka shanaad ee khulafaa`u rashidiin (khaamis khulafaa`u rashidiin).
-
jawaabta 19:
khaliifka lagu tiray in uu yahay khaliifka shanaad ee khulaafa`u rashidiin (khaamis khulafaa`u rashidiin) waa:
cumar bin cabdi caziiz (alla ha u naxariista).
-
Su`aasha 20:
ummada waliba marka ay ka leexdaan wada alle, illaah waxuu u soo diraa rasuul kaasi oo afkooda ku hadla oo umada u sheega xaqqa iyo in illaah laga baqa, ilaahna uu mid kaliya yahay waxii ka soo harayna ay khalqi illaah yihiin.
Arrintaas marka ay rusasha la imadaan waxaa ay dadka gaalada ah ee wadada alle ka bayray isku dayaan in rasuulka waxa uu wata beeniyaan oo ay wax walbo oo ay isku hir istaagi karaan in risaaladiisa gudan samaynaan. ayada xaalada qaar xataa ay gaarta in dil loo maleega rusasha.
Haddaba waxaad sheegtaa rasuulkii qoomkiisa ay dabka (naar) u shideen ay ku tuureen si uu ugubta, lakiin illaah asoo nabad qaba ka soo saaray.
-
Nabiga ay qoomkiisu isku dayeen inay gubaan waa; nabi Ibrahim (cs)
-
[color=red]jawaabta 20:[/color]
Siciido waad ku mahadsan tahay sida wanaagsan ee su`aasha jawaabta uga bixasay.
jawaabta waa sax.
-
Su`aasha 21:
sida aan ognahay adoomada alle waxaa ku nimcaysatay nimcooyin badan, BINAADANKA alle waxuu uu siiyay fikar iyo nimcada hadalka oo ay ooga duwan yihiin khalaa`iqda kala sida xaywaanada.
Qur`aanka waxaa ku arooray laba xaywaan oo hadlay sida bin aadanka oo kale.
Haddaba waxaad sheegta magacyada labadaas xaywaan iyo meesha ay qur`aanka kaga soo arooren.
-
jawaabta 21:
lada xaywaan ee hadla waa :
1.quraanjada ama af carabiga loo yaqaana (namli).
2. Shimbirka hudhud loo yaqaana af caribiga.
waxa ku soo arooreen suuratu AL-NAMLI aayadaha 18 ilaa 24
-
su`aasha 22:
carabta jaziirada carabta dega waqtigii hore waxay la hayeen dhaqama badan oo ka mid ahayaeen.
in wiilka haddii u dhashay dadka magaalooyinka dagan, ay uu diraan haweenay nuujisa oo baadiyaha degan si wiilkaas uu u barta ad-adeegay iyo afka saxda ah, ayadoo haweenaydaas nuujinaysan la siinaya maal ay ku xanaanaysa wiilkaas si ujra ahaan.
Hadaba waxaad sheegta haweenaydi nuujisay nabiga (nabad galiya iyo naxariis korkiisa ha ahaate)?
-
Jawaabta 22:
haweenayda nuujisa nabiga ( nabad galiya iyo naxariis korkiis ha ahaatee) waa :
XALIIMA SACDIYA
-
Su`aasha 23:
waxaad sheegta saxabigii (rc) loo yaqaanay sir-hayihii nabiga (nabad galiyo iyo naxariis korkisa ha ahaate)
saaxibu siri rasuulilaah.
-
jawaabta 23:
saxaabiga loo yaqaana sir-hayihi nabiga (scws) waa:
xudeyfa bin al-yaman
-
Su`aasha 24:
waxaad sheegtaa 4 bil ee loo yaqaana bilaha xurmada ( ash-hurul xurum).
-
jawaabta 24:
bilaha a 4 oo loo yaqaana bilaha xurmada (ash-hurul xurum) waa :
cariga waa sidaan :
1. Dul-qacdi.
2. Dul-xijjah.
3. Muxaram.
4. Rajab.
afka soomaliga waa luga kala duwan yahay bilaha magayadooda ani sidaan ayaaan u aqaanaa:
1. sitaal.
2. carafa.
3.zaka.
4. sabuux.
-
su`aasha 25:
waxaad sheegtaa saxaabiga loo yaqaana gabyaagii nabagiga (scws) -shaaciru rasuulilaahi.
-
jawaabta 25:
saxaabiga loo yaqaana gabyaagii nabiga (scws) waa:
xasaan bin thabit (rc)
-
su`aasha 26:
waxaad sheegta magaca nabi nabiyada ka mid ah oo ilaah uu siiyay nabinimo iyo boqortooya wada socata.
-
jawaabta 26:
nabiga nabinimo iyo boqortooya wada socata waa :
nabi sulaymaan ( calayhi salaam).
-
su`aasha 27:
Cilmiga aduunka marwalba wax cusub ayuu gaaray in bin-aadanka ogaada.
Inta badan marka sharciyada la qaadanaya ama danbe la baaray waxaa dadka laga qaada fara oo la sawiro taas oo la ogaaday in uu ilaah qofwalbo fara gooni ah siiyay cidna ay ku qaldami Karin.
haddaba arintaas (faraha dadka in ay isku mid ahayn) quraanka ayaa lagu sheegay 1432 sana ka hor .
sheeg suurada ay ku soo aroortay iyo aayada raqamkeeda.
-
jawaabta 27:
suurada ay ku soo aroortay waa suuratu qiyaamah aayada 4.
-
su`aasha 28:
waxaad sheegta magaca saxaabiyad (waa qof haween ah oo asaxabadii nabiga ka mid ah ) oo awowgeed , aabiheed iyo ninkeeda iyo wiilkeeda inta ay ahayeen asxaabti nabiga (scws).
-
jawaabta 28:
magaca saxaabiyaada waa :
asmaa binta abii bakar.
aabaheed waa: abuubakar sadiiq (rc)
awawgeed waa : abuu qaxaafah.(rc).
ninkeedana waa : zubeyr bin al-cawaam.(rc)
wiilkeedana waa : cabdulaahi bin zubeyr (rc).
dhamaantoodna waxaay ahayeen asxabtii nabiga (scws)
-
su`aasha 29:
waxaad sheegta magaca suurad quraan ka mid oo dhiganta qur`aanka 1/3 (quraanka thuluthkiis).
-
jawaabta 29:
suurada quraanka thulithkiis waa suuratu ikhlaas (qulhuwalah).