Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Anfac on March 14, 2010, 01:38:38 AM

Title: Su'aal: maxaa waayay molar pregnant?
Post by: Anfac on March 14, 2010, 01:38:38 AM
asc walaayaal su aasheydu waxeey tahay maxaa waayay molar pregnant maxaase keeni karo maxaase dhib uu leeyahay fadlan iga caawiya su.aashaan  waad mahansantiin dhamaantiin
Title: Re: Su'aal: maxaa waayay molar pregnant?
Post by: SomaliDoc on March 21, 2010, 08:44:03 PM
Molar pregnancy waxay soomaalida u taqaanaa "Uurjiif Shuuq".
Uurjiif shuuqu waa uurka ka dhasha ukun bu' lawda ah oo bacrisanta.
uurjiif shuuqa waxaa loo kala qaadaa mid dhameestiran "complete" iyo mid qeyb ah "partial".
Kan dhameestiran wuxuu ka dhashaa markii la bacrimiyo ukun bu' la'aan ah ana aan firfircooneyn.
Kan qeybta ahne waxay ka timaadaan markii laba xaw (sperm) ay bacrimiyaan hal ugxan (Ovum).
Kan dhameestiran wax uurjiif ah kuma jiraan iyo mandheerba kan kalane way dhici kartaa.

Calaamadaha lagu garto uurjiif shuuqa waxaa ka mid ah:
1- lalabo iyo matag siyaado ah
2- Dhiigbax xagga hoose ah
3- Hormoonka hCG oo sare u kaca
4- Minka oo aad u weynaada
5- Dhiig kar 6-da bilood ee ugu horreysa
6- Nuunuuxsi la'aan uurjiif
7- Qanjirka toroodka oo firfircoon (Hyperthyroidism)

Waxaa lagu gartaa in haweentu ay uurjiif shuuq wado:
badanaa uurka wuu iska dhamaadaa markii haweentu ay soo saarto wax u eg cinab oo tira badan.
waxaa lagu arki karaa qalabka ultrasoundka ama cabbirka hormoonka hCG.

Haddii uurka uu soo dhamaan waayo waa in la soo xaaqaa oo laga soo saaraa waxii minka ku haray, badanaa haweenta wada uurjiifka ma fiicna in la fooliyo cabsi dhiigbax awgeed.

Waa in si joogto ah loo cabbiraa hormoonka hCG dhowr usbuuc illaa ay si caadi ah ku soo laabtaan illaa hal sano hooyadu looma ogola inay uur qaado maxaa yeelay wuxuu uurjiif shuuqa isku badali karaa kaankaro.