Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Samrasamiira on July 27, 2017, 05:00:21 PM

Title: Su'aal: UTI maka hortagi kartaa uurka?
Post by: Samrasamiira on July 27, 2017, 05:00:21 PM
hadii UTI ama urinary tract infection mudo qof haayey taasi makeeni kartaa in markii uu qofku guursado uu cudurku kusababo inusan uur qaadin
Title: Re: Su'aal: UTI maka hortagi kartaa uurka?
Post by: SomaliDoc on May 25, 2018, 11:39:07 AM
UTI waa caabuqa ku dhaca kaadi mareenka kaliya, hooyadu uur way qaadi kartaa laakiin hadduu infekshan bato oo kilyaha gaaro way dilmi kartaa ama waqtigeeda ka hor ayay dhali kartaa.

Laakiin caabuqa hadduu saameeyo tobooyinka ama minka, uur ma qaadi karto, farqiga u dhaxeeyo ka ogow labadaan qoraal:

UTI: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3237.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3237.0)
PID: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0)