Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Balqiisahaaji on August 18, 2018, 08:04:27 AM

Title: Su'aal: Sadax sano waxaa iga socdo qoyaan siilka ah?
Post by: Balqiisahaaji on August 18, 2018, 08:04:27 AM
ASC dhaqaatiirta sharafta leh sida wanaagsan aad noogu faaiidaysan jazakallah kheyr
Hadii su'aashay guda galo
Dr muda sadax sano waxaa IGA socdo qoyaan u eg diif oo jiitamayo xagga hoose/siilka. Intaasna ilama ma dhalin.
Marka ayaamahaan danbe waxa isku arkay
Xanuun gumaarka korkiisaa ood moodo in Waran la iga galiyay oo kale iyo in siilka gudihiisa Muda yar juq juq la IGA siiyo  hadane la IGA fuqo
Title: Re: Su'aal: Sadax sano waxaa iga socdo qoyaan siilka ah?
Post by: SomaliDoc on January 24, 2019, 11:28:31 PM
Qoyaanka farjiga ka yimaado waxyaabo dhowr ah ayaa keena, waxaa lagu kala gartaa qoyaanka midabkiisa, urtiisa iyo astaamaha kale ee la socdo, waxaad u baahan tahay in baaritaan lagugu sameeyo si loo ogaado xanuunkaaga, laakiin cilladda ugu badan ee keento qoyaanka farjiga iyo dhabar xanuunka waa infekshanka ku dhaco xubnaha taranka ee ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5709.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5709.0.html)