Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Deeq_wade on December 09, 2018, 10:47:04 AM

Title: Su'aal: Dhibaatooyinka boorka / siigada?
Post by: Deeq_wade on December 09, 2018, 10:47:04 AM
Asc bahda somalidoc.waxaan ka shaqeyaa shirkad guryaha dib u cusbeyso marka waxan rabay dhibatooyinka laga heli karo Boorka caadiga ah iyo midka sunta asbest wato.
Mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Dhibaatooyinka boorka / siigada?
Post by: SomaliDoc on March 31, 2019, 12:13:30 PM
boorka ka dhasha dhismayaasha haddii muddo la neefsado oo aadan sanka daboolan, waxay sambabada u keeni karaan cillad xagga neefsiga ah, sababtoo walxaha boorka ka dhasho ayaa sambabada fadhiisanayo, kadibne way adkaanayaan oo sidii la rabay qofka uma neefsan karo waxaana ku dhacayo xanuun loo yaqaano "Pneumoconiosis", intaas waxaa sii dheer walxaha aad neefsanaysdi qaarkood haddii ay yihiin waxyaabo sun ama kiimiko ku jirto waxaa laga dhaxli karaa cudurro halis ah oo hadhow kansar isku badali karo sida slicosis iyo asbestosis.

Waa muhiim inaad sanka xirataa si aad uga hortagtid arrimahaas...