(http://styeremedies.org/wp-content/uploads/2011/07/stye.jpg) | Stye, waa cudur ku dhaco indhaha, wuxuuna ku sii dhacaa baalasha indhaha oo ay ka soo baxaan kuus yar yar sida ka soo baxa oo kale.. Tani waxay ka dhalataa markii caabuq gaaro qanjirro yaryar oo baalasha indhaha ku yaallo oo soo daayo dufan isha qooyo. Xanuuna waxaa keeno caabuq kabteeriyo oo ku dhaca qanjirada baalka isha. Badanaa way iska raysataa oo way dillaacdaa laakiin haddii ay aad u bararto waxay isku badashaa cudur kale oo loo yaqaanno "Chalazion" Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah iftinka oo ku dhibo, isha oo ilimeyso iyo daqnasho markaa taabato. Daawayntu way sahlan tahay waxaa la saaraa wax diiran muddo 10 daqiiqo afar jeer maalintii wayna baaba'daa, laakiin ha isku dayin in aad dilaacisid ama tuujisid. Haddii ay soo laalaabato waxaa la isticmaaliyaa kareem antibiotik ah oo la mariyo baalasha indhaha, haddii intaa ku baabi'i wayso waa in la jeexaa oo laga soo saaraa wasakhda. Haddii xanuunkaan aad isku aragtay la xiriir takhtar indho. |