Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Khaalid Faarisi on December 16, 2016, 11:33:54 PM

Title: Su'aal: Aabbehey wuxuu qabaa xanuun sinta ah?
Post by: Khaalid Faarisi on December 16, 2016, 11:33:54 PM
Asc wrx wbr dhammaan bahda somdoc waxaan idinkaga hambalyeynayaa shaqada weyn ee aad noi heysaan kadib waxaan rabaa inaan 2 su'aal idin weydiiyo si xushmadi ku dheehan tahay:
1) waxaan course ah food science and technology kusoo qaatay in cocacola-du ku jirto wax ay ugu yeeraan concentration oo aan lab analysis loo ogoleyn ayna tahay sheyga kaliya ee magaca coca ku taagan yhy marka maadadaas maxey tahay?
2) Aabbehey wuxuu qabaa xanuun sinta ah oo aan markii dambe boggan ku arkay magaciisa oo ah sciticia xanuunkii sinta ahaa wuu wareegay oo wuxuu galay anqowyada iyo shucubka hoose ee lugta marka ma xanuun cusub baa mise waa isagii guur guuraya? Mhadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Aabbehey wuxuu qabaa xanuun sinta ah?
Post by: SomaliDoc on January 29, 2017, 05:54:54 PM
Shirkad walba oo ku caan baxday badeeco gooni ah, waxay ku dadaashaa in sirta qaabka loo sameeyay badeecadeeda inay qariso, inkastoo waxyaabo badan oo ka mid ah coca-colada markii la baaro laboratory lagu ogaan karo, laakiin si buuxda looma ogaan karo walxaha saxda ah ee ka samaysan tahay ama loogu yeero "Official Formula", waana siyaasad ay shirkad walba ku dhaqanto si ay suuqa u ilaashato.

Midda ku saabsan xanuunka "Sciatica", marba meel waa laga dareemi karaa khaasatan lugta uu awal kaa hayay, wax cusub oo soo kordhayne way noqon kartaa sidaa darteed waxaa haboon in aad dhakhtar la xiriirtid.