Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Muxiyo on March 12, 2018, 04:34:23 PM

Title: Su'aal: Waa maxay Idiopathic guttate hypomelanosis?
Post by: Muxiyo on March 12, 2018, 04:34:23 PM
Asc doctors iyo shaqaalaha webka aad baad u mahadsan tihiin dhammaantiin

intaas ka dib suaashaydu waxay tahay Waa maxay xanuunka Idiopathic guttate hypomelanosis ee ku dhaca maqaarka isagoo cadcadaan yaryar ah marna waaweyn noqda ayuu ka soo muuqdaa maqaarka .

Suaashaydu way kooban tahay lkn faahfaahin ayaan idinka rajeenaayaa.

Allah ayaa mahad oo dhan iska leh
Title: Re: waa maxay Idiopathic guttate hypomelanosis
Post by: Muxiyo on March 14, 2018, 10:34:24 AM
Dr maad iska dhaafteen jawaabihii
dhawr suaalood oo aan idin soo waydiiyay wali jawaab idinkama helin

Allah ha idin dhawree jawaabihiina noo soo jawaaba
Title: Re: waa maxay Idiopathic guttate hypomelanosis
Post by: Akhaa Binu Jowhari on March 14, 2018, 10:54:36 AM
Muxiyo, walal adigoo mahadsan, dulqaado inta uu dhakhtarka kaaga soo jawaabayo su'aalaha qiimaha badan, ogow su'aaluhu way tirabadan yihiin, imminka waxa ay marayaan bisha June bartamaheed wixii dhakhtarka laweydiyey buu ka jawaabayaa. Haddii aad u baahan tahay si dhaqso ah in lagaga soo jawaabo fadlan, si too ah ula xidhiidh Doc qaybta Messages-ka ee bogga Facebookga

https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)
Title: Re: waa maxay Idiopathic guttate hypomelanosis
Post by: Muxiyo on March 14, 2018, 10:57:38 AM
Waan sugaayaa dulqaadna waan u yeelanaayaa waayo hawsha culus ee dhakhtarku hayo waan dareemaayaa
waad mahadsan tihiin walaal
Title: Re: Su'aal: Waa maxay Idiopathic guttate hypomelanosis?
Post by: SomaliDoc on December 16, 2018, 10:04:14 PM
Waa cadcadaad maqaarka ku samaysma, dhibne aanan keenin, waxa keenane aan la aqoon, kuna badan haweenka korka cad ee da' dhaxaadka ah iyo dadka ku nool dhulalka qoraxdoodu kulushahay.

Inkastoo aan la garanayn waxa keeno laakiin waxaa loo malaynayaa in qoraxda ay howlgabiso unugyada midabka sameeyo ee maqaarka ku jira "melanocytes"

Badanaa waxaa loo qaataa kareemyada steroids-ka, retinoids-ka, haddii ay waxtari waysane waxaa lagu daaweeyaa laser-ka.

Laakiin ma ahan cillad xanuun kale keento ama wax kale isku badasho.