Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Deqacadey on April 22, 2015, 01:56:13 AM

Title: Su'aal: Ukunta ayaa daciif ah?
Post by: Deqacadey on April 22, 2015, 01:56:13 AM
Suasheyda waa.  Sanadki hire ayaa. Ilmo iga soo dhaceen.  Dhaqtarka wuxu igu dhahey ukuntada ayaa daciif ah.   Sababtas ayaa keentay dhicinta.    Marka.  Waxa ku arkey. Compuyutarka.   Kaniinka  la dhaho Co10Q.      In u. Ukuntada kobciyo.   Ma.  Qadaan karaa. Kaniinka. Dhaqtarka oon I qorin.   Tan kale. Vitimiinada ku haboon.  Uurqadista ka hor   In la. Isticmaalo. I sheeg walal.  Waxan jira. 42 sano
Title: Re: Su'aal: Ukunta ayaa daciif ah?
Post by: SomaliDoc on April 25, 2015, 01:28:22 PM
Co10Q waa maaddo nafaqo jirka uu ka faaideesto sida fitamiinnada oo kale, ma jiraan baaritaanno bini'aadanka lagu sameeyay iyadoo la adeegsaday maadadaan oo tilmaamayo in ugxanta ay xoojinayso, way jiraan dad ku qora meelaha in waxyar ay u leedahay ukunta waxayna dadkaas daliishanayaa baaris lagu sameeyay doolliyaal wadanka canada ee lagu arkay in bacrimista ugxanta doolliyada duqda ah ay wax u tarayso, sidaas ayaa loo mala awaalay in bini'aadankane uu ka faaidayo.

Ma ahan wax halis ama dhibaato kuu keeni karo, waxayna ka mid tahay daawooyinka iyadoo uusan dhakhtar kuu qorin la qaadan karo, laakiin waxaa ka muhiimsan daawadaan in aad takhtarkaaga waydiiso heerka ay marayaan hormoonnada bacriminta iyo kobcinta ugxanta ka qeyb qaato iyo in aad u baahan tahay in hormoonadaas iyagoo daawo ah in lagu siiyo.

Halkaan ka akhriso jawaab aan ka bixinnay mid su'aashaada la xiriirto: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4697.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4697.0.html)