Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Indhaha => Topic started by: SomaliDoc on April 04, 2011, 07:24:43 PM

Title: Jeexitaanka iyo Soo-go'idda Qaybta Dambe ee Isha (Retinal Tear & Detachment)
Post by: SomaliDoc on April 04, 2011, 07:24:43 PM
Qaybta dambe ee isha (retina) waa xuub ku dheehan gudaha isha.
Waxay dhambaalo u dirtaa maskaxda si aad wax u aragtid.
Marka qaybta dambe ka soo fuqdo gudaha isha waxa dhici kara jeexitaan, godad ama soo-go?id.

Astaanaha/Calaamadaha Jeexitaanka iyo Soo-go?idda Qaybta Dambe ee Isha
Jeexitaanka iyo Soo-go?idda Qaybta Dambe ee Isha ma laha xanuun.
Astaanaheeda/Calaamadaheeda waxa ka mid ah:
? Baro sabbaynaya oo si dhakhso ah ugu bata araggaaga
? Iftiin duulduulaya oo dhakhso ah oo aad ku aragtid hal il ama labada indhoodba
? Hadh ama daah fuula qayb ka mid ah araggaaga
? Aragga indhaha oo si dhakhsa ah isugu darsamaya ama u daciifa

Daryeelkaaga
Haddii aad qabtid wax calaamado/astaana ah, isla markiiba u tag dhakhtarka indhaha.
Soo-go?idda qaybta dambe ee isha waa xalaad caafimaad oo degdeg ah. Haddii aan dhakhso loo daweyn, aragga ayaa si joogto ah uga lumi kara isha ciladeysan.
Daryeel caafimaad oo dhakhso ah iyo daweyn ayaa badbaadin kara ishaada.
Dhakhtarkaaga ayaa eegi doona ishaada si loo ogaado waxa keenaya astaanahaaga/calaamadahaaga. Haddii la arko jeexitaan, dalool ama soogo?id, waxa la sameyn doonaa qalitaan. Haddii jeexitaan ama dalool la daweeyo ka hor inta aan soo-go?id dhicin, waxay u badan tahay in aad lahaan doontid badi araggaaga.

Daweynta daloolada/ama jeexitaanada/dildilaacyada yaryar
Daloolada yaryar ama jeexitaanada waxa lagu daweeyaa iftiinka laysarka (laser) ama daweyn berefoobey oo la yidhaahdo cryopexy. Daweynadan waxa lagu qaban doonaa xafiiska dhakhtarkaaga.
? Waxa la isticmaali/adeegsan kara iftiinka layserka (laser beam) si gubitaan loogu sameeyo agagaarka jeexitaanka/dilaaca ama daloolka ku yaala qaybta dambe ee isha. Gubitaankaasi waxa uu keenayaa qolofsameysan taasoo qaybta dambe ee isha ku adkeynaysa meesha.
? Marka la isticmaalo/adeegsado daweynta berefowdey (cryopexy), waxa la adeegsadaa/isticmaalaa qabow daran si loo barafeeyo agagaarka jeexitaanka/dilaaca ku yaala qaybta dambe ee isha. Taasi waxay baraf ka dhigaysaa aagga waxana ay sababaysaa in qolof ay sameysanto. Qolofsameysanku waxa uu qaybta dambe ee isha ku adkeynayaa darbiga isha.

Daweynta Soo-go'idda Qaybta Dambe ee Isha
Waxa jira saddex nooc oo ah qalitaano loo isticmaalo daweynta soo-go'idda qaybta dambe ee isha. Waxa laga yaabaa in loo baahan yahay in tan laguugu sameeyo gudaha cisbitaal.
? Xidhida qaybta adag ee isha (Scleral buckling) ? walax si weyn u yar ayaa lagu qabtaa dibadda dhabarka isha si darbiga isha tartiib loogu riixo xagga qaybta dambe ee soo go'day.
? Vitrectomy ? jeexis yar ayaa lagu sameeyaa isha. Hawo ayaa lagu sii daayaa meesha si qaybta dambe loogu riixo xagga darbiga isha.
? Pneumatic retinopexy ?Xunbo ah hawo kala fideysa ayaa lagu sii daayaa isha. Mudo ah dhawr maalmood, waxa dhacaysa in hawadu iskala fidiso, taasoo ugu dambeyn keenaysa in qaybta dambe dib u qabsato darbiga isha.
Marka la sameynayo dhamaan qalitaanada, waxa la isticmaalaa/adeegsada iftiinka laysarka ama barafeyn (cryopexy) si qaybta dambe dib loogu dhejiyo meesha. Waxa laga yaabaa inay qaadato dhawr bilood oo ku xiga qalitaanka si loo ogaado inta ka soo hagaagaysa araggaaga. Natiijooyinka ugu fiican waxa la helaa marka daweynta la sameeyo ka hor soo-go?idda qabta dambe.

Dhakhtarkaaga kala hadal su?aalahaaga ama walaacaaga.

SomaliDoc (http://www.somalidoc.com)