Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Haweenka => Topic started by: SomaliDoc on January 21, 2008, 02:07:07 AM

Title: Daryeelka Dhalmada Ka Dib (Postnatal Care)
Post by: SomaliDoc on January 21, 2008, 02:07:07 AM
(http://somalidoc.com/Topics/daryeeldhalmo.png)

Ka dib marka aad umushid, kalkaaliso ayaa ku hubin doonta oo ka jawaabi doonta wixii aad su'aalo qabtid. Inta aad cisbitaalka ku jirtid, kalkaalisooyinku waxay ku bari doonaan sida aad naftaada iyo ilmahaaga u daryeeli lahayd.

Isbeddelada ku Dhaca Jirkaaga

Firfircooni

Cuntada
Waxa laga yaabaa inaad dareentid daal iyo gaajo. Waxa dheecaano lagaa siin doonaa faleebo ama xidid-galis (IV) lagu rakibo gacantaada ama cududaada ilaa aad si fiican wax u cabi kartid. Cab cabitaano badan. Waxa marka hore laguu keeni doonaa cuntooyin fudud ka dibna waxa aad cuni kartaa cuntadaadii caadiga ahayd.

Maamul Xanuunka
Xanuun iyo maroojis waa caadi. Waxa laga yaabaa in toliddu keentu gubasho. Weydiiso dawo xanuun marka aad u baahan tahay. Waxa laga yaabaa in dawadu aanay kaa kaxeyn xanuunka laakiin way kaa yareyn doontaa.
Maamul xanuunkaaga si aad u daryeeli kartid naftaada, iyo ilmahaaga oo aad fifircooni u yeelatid.
Sida loo maamulo xanuunka kaa haya aagga ku yaala inta u dhexeysa marinka ilmaha (hoosta haweenayda) iyo marinka saxarada (futada) (inta u dhexeysa labada marin) (perineal area):

Daryeelka Inta u Dhexeysa Labada Marin
Ka dhig nadiif aagga u dhexeeya labada marin (hoosta iyo futada) si aad uga ilaalisid caabuqid oo aad urta u joojisid. Waxa tan loo yaqaanaa daryeelka inta u dhexeysa labada marin (perineal care). Waxa lagu siin doonaa weel caag ah oo aad ka buuxisid biyo diiran. Wakhti kasta oo aad isticmaashid musqusha, isticmaal weelka caagga ah si aad biyo diiran ugu tuujisid aagga u dhexeeya labada marin (hoosta iyo futada). Beddel qoyaan-celiskaaga wakhti kasta oo aad isticmaashid musqusha.
Gacmahaaga ku dhaq saabuun iyo biyo.

Qubeyska Sare-joogga ah
Waxa laga yaabaa in qubeys sare-joogga ahi kuu keeno dareen wacnaan oo uu kaa gargaaro inaad nafistid. U yeero qof kaa gargaara qubeyska ugu horeeya.

Ka-bixista Cisbitaalka iyo Tagista Guriga
Kalkaalisadaada ayaa kaa gargaari doonta sidii adiga iyo ilmahaagu aad guriga ugu noqon lahaydeen. Waxa lagu siin doonaa war ku saabsan sidii aad u daryeeli lahayd naftaada iyo ilmahaaga.
Waxa laga yaabaa in daryeelka ay ka mid tahay:

Isla markiiba dhakhtarka ku laabo haddii aad leedahay:
Wac isbitaalka dhawrka maalmood ee ugu horeeya ka dib marka aad guriga ku laabatid si aad u ballansatid booqasho la-sii-socod ah gudaha 4-6 todobaad. La hadal dhakhtarkaaga ama kalkaalisada haddii aad qabtid su'aalo ama walwal.

Hadii aad faahfaahin u baahan tahay ama su'aalo ka qabtid qoraalkaan iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)