Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hasan_c.h.c on January 21, 2008, 05:07:55 PM

Title: Waa Maxay Higgo / Hingo?
Post by: Hasan_c.h.c on January 21, 2008, 05:07:55 PM
 marka hore  waad salaamantihiin walaalayaal .
    walaalayaal waxaan doonayaa inaan ogaado waxa ay tahay higgo ama ku keena qofka iyo waxa uu yahay dawadeedu

waad mahadsan tihiin
Title: Re: Waa Maxay Higgo?
Post by: SomaliDoc on January 22, 2008, 01:38:11 AM
(http://somalidoc.com/Topics/hingo.png)

Waxaa eebe ku abuuray jirka biniaadamka muruq u dhaxeeya caloosha iyo feeraha, muraqaan oo ka qeeb qaata neefsashada loona yaqaan "Diaphragm", waxaa dhacaya in marmarka qaarkood uu muruqaas giigsamo kaasoo keena inuu qofka hingado si lama filaan ah.

Hingadu way istaagtaa daqiiqado kadib, inkastoo markii ay xad naaf noqoto oo cudur isku badasho ay u baahantahay daawayn.

Sida caadiga ah hingadu waxay dhacdaa markii qof si dhakhsa ah wax u cuno ama biyo qabow u cabo isagoo cunaya cunto kulul, qosla ama ooya si xad naaf ah iyo qofkii khamro badan caba.

Hingada markii ay jiro isku badasho waxaa loo yaqaanaa "Singultus", qofka higgo aan kala go' laheen ayuu ku jirayaa, waxyaabaha keenana waxaa ka mid ah in cadaadis uu ku yimaado neerfaha dareenka siiyo muruqa "Diaphragm" neerfahaas oo loo yaqaano "Phrenic nerve".

Hingada caadiga ah waxaa lagu joojiyaa siyaabo kala duwan oo ay ka mid tahay in qofku uu cabo biyo badan isagoo sankiisa cadaadiya ama in xoogaa neefta isku celiya ama is mashquuliya oo tiro 100 gaareysa gadaal gadaal u soo tiriya.
Waxaa kaloo lagu istaajiyaa hingada in qofku uu ku neefsado bac xiran oo sankiisa iyo afkiisa ku daboolan.

Hadii hingadu intaa ku istaagi wayso oo ay gaarto xaalada loo yaqaano "Singultus" oo ah higgo kala go' aan laheen maalmo ama usbuucyo waxay u baahantahay daaweyn, daawayntaas waxay badanaa noqotaa mid kaniini ah.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Waa Maxay Higgo / Hingo?
Post by: Cayuush Omer on September 11, 2016, 10:03:27 AM
Mahadsanidin wlalyal runti wa barnamij ad logu bahna adna no anfacay ilahy miisanka xasandka ha idn kugu daro ameen insha allh