Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on October 17, 2011, 12:04:15 PM

Title: Su'aal: Maxaa Keena Gooryaanka Taenia Worm?
Post by: CilmiSabca on October 17, 2011, 12:04:15 PM
Asc. Bacda salaam. Dhakhtar, qof baa iga codsaday in aan ku weydiiyo gooryaan haya qofkaas. Qofku wax ma akhrisan karo, wuxu igu yidhi "Waxaan tagey Ethiopia, waxaan cuni jiray hilibka Lo'da, waxaana joogay Ethiopia muddo dhowr sano ah, waxaan isku arkay wax yaryar oo oo cad cad oo cidida barkeed le le'eg inta badan anoo socda, fadhiya ama jiifa xagga dambe (dabada) si nux nux ah iiga soo bax baxaya, mar marna iyagoo isku daban ayaan saxarada ku arkaa, waxaan oo dhana way nool nool yihiin oo way dhaqdhaqaayaan, wax daawo ahna ma qaadan oo waxaan waan iska qarsana hayey, haddase waan awoodi waayey ee dhakhtarka ii waydii". Hadda  waxaan kula taliyey in uu saxarada iska baadho, ka dib waxa loo sheegay inuu ka buuxo Tenia worm, hase ahaatee looma faahfaahin waxa uu yahay Tenia worm inkastoo loo sheegay inuu ka dhasho cunida hilibka Lo'da & saxarada Lo'da oo dulinkaas cagta dadka u gudbiya!
Haddaba, Dhakhtar, waxaanu rabnaa in aan wax badan ka ogaano gooryaankaan Tenia Worm, Caanaha Lo'da ma ku jiraa (haddii hilibka uu ku jiro) sidoo kale caano boodhaha ma ku jiraa?
Thanks to all of you.
Title: Re: Su'aal: Maxaa Keena Gooryaanka Taenia Worm?
Post by: SomaliDoc on November 01, 2011, 10:27:50 PM
(http://somalidoc.com/Topics/saginata.png)

Taenia worm, waa laba nooc, waxaana la kala yiraahdaa:
1- Taenia Solium waxaana laga qaadaa cunidda hilibka doofaarka.
2- Taenia Saginata: waxaana laga qaadaa cunidda hilibka lo'da.

Gooryaankaan wuxuu dulkunoole ku yahay lo'da iyo dadkaba.
waxaana laga qaadaa badanaa lo'da lagu dhaqo meelaha ay nadaafaddooda aad u liidato oo ay dadka ku saxarooaan banaannada kaasoo gooryaanka laga qaadi karo saxarada dadka, waxaa kaloo laga qaadaa hilibka lo'da oo safiican loo karin.

Xanuunkaan wuxuu aad ugu badanyahay meelaha nadaafadooda ay u liidato, cunnadane aan safiican la isaga karin sida africa, meelo ka mid ah bariga yurub, koonforbariga eeshiya iyo laatiin ameerika.

Gooryaanka lagama qaado cabidda caanaha lo'da iyo caano booraha toonaba.

Calaamadaha lagu garto xanuunkaan waxaa ka mid ah inkastoo dadka badankiis aysan waxba dareemin: wareer, calool xanuun, shuban, madax xanuun, lalabo, saxaro adeeg, dheefshiid xumo iyo apetite xumo.

Waxaa lagu ogaadaa xanuunkaan iyadoo laga baaro saxarada, waana baaritaan sahlan oo lagu sameeyo badanaa sheybaarrada.

Waana xanuun si sahlan loo daaweyn karo oo hal daawo ayaa ku filan.

Talo:
Hilibka lo'da safiican ha la iskaga kariyo, si gooryaanka u dhinto ku dhex nool hilibka lo'da.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)