Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Samsam Cali on June 06, 2015, 11:13:17 PM

Title: Su'aal: Lafta dhabraka?
Post by: Samsam Cali on June 06, 2015, 11:13:17 PM
asc wll aad ayad u mahad san tihiin salan kadib.
dadaydu waa 20 jir waxaa la iga hayaa lafta dhabraka marka dhakhtar ayan tagay x.ray ayuu isaray wuxuu dhahay lafta way tosan tahy oo ma qalocdo sida dadka cadiga ah dawo ayuu iiso qoray 2 bilod iyo dugis ilaa hada wax is badala malaha 1.malaga yaaba inay noqoto TB lafaha. 2.wax samayna ma ku yelan karta dhalmada iyo uur qadista 3.wax talo ah,
Shukran lakum
Title: Re: Su'aal: Lafta dhabraka?
Post by: SomaliDoc on June 10, 2015, 01:40:49 AM
TB haddii ay tahay raajada ayaa lagu arki lahaa, midda kale wax aad xasuusatid oo jug ama dhaawac hore ama shil aad gashay ama kufis ma jirtaa aad is dhihi kartid dhabarka ayay wax kaa gaarsiisay?

Miisaankaagu ma badan yahay? Kaob taako leh miyaad xirataa? Wax kabaabyo xagga lugaha maka dareentaa?

Dhabar xanuunka waxyaabo badan ayaa keeni karo, raajadane laguma wada arki karo cillad kasta, waxay noqon kartaa wax murqaha la xiriiro ama seedaha, waxay la xiriir kartaa carjowda u dhaxayso ricirrada lafaha iyo booskeeda ay ka soo duruqday waxay noqon kartaa wax neerfaha dhabarka la xiriiro.

Laga yaabo in aad u baahato baaritaan intaa ka sii dheer hadduu xanuunka siyaado yahay ama uu ka sii darayo ama nolol maalmeedkaaga uu saameeyay.
Title: Re: Su'aal: Lafta dhabraka?
Post by: Samsam Cali on June 11, 2015, 11:47:48 PM
bismilah
wll wax iga gadhay majiro oon ka ahyn ciyalnimadi kufitan badnaa lkn dhabarka oo wax iga dhacen majiro
kabo taka leh ma xidhan jirin lkn marmar hada waan xidhaa
misan kayga waa 70kg
lugah aad ayay ii xanuunan siba bidix da meesha qabowna way igag daran.
forarka iyo tagnidana makarayo
Title: Re: Su'aal: Lafta dhabraka?
Post by: SomaliDoc on June 13, 2015, 02:52:22 PM
Haddii sida aad tilmaantay xanuunka dhabarka uu u badan yahay hal dhinac ama lugta ay la socoto, qoraalkaan akhriso waxa uu noqon karo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html)