Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on February 23, 2015, 06:28:10 PM

Title: Hilibka Sanka Ka Soo Baxo (Nasal Polyps).
Post by: Abdi21 on February 23, 2015, 06:28:10 PM
Waxan marar badan dareemaa dhaha ineey i caburmayaan oo cub noqonayaan sida qof diyaarad saaran oo kale waxa jiray mar aan dhaqtarka sanka iyo dhaga utagay waxan weeydiiyay waxa keena wuxuuna igu dhahay sanka ayaa hilib kaaga yaalaa hilibka ayaana keena maxay tahay waxyabaha kale ee uu keeno hilibka sanka ka soo baxa ee qaliinka lagu sameeyo calamadahiisa maxay yihiin mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Maxa keena Hilibka Sanka ka soo baxo?
Post by: SomaliDoc on February 24, 2015, 05:45:04 PM
(http://somalidoc.com/Topics/hilibsank.png)

Hilibka sanka ka soo baxo waxaa loo yaqaanaa afka english-ka "Nasal Polyps" waa cad helib aan kansar ahayn oo ka soo dhex baxo sanka iyo jeebabkiisa "sinuses".

Waxuu badanaa hilibka sanka ka soo baxaa dadka qaboxanuuanda Sanboorka, Xajiinta iyo Neefta.
Akhriso Cudurka Sanboorka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5658.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5658.0.html)
Akhriso Cudurka Xajiinta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,532.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,532.0.html)
Akhriso Cudurka Neefta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html)


Dadka qaar xanuun kuma hayo, weliba markuu yar yahay mana u baahna wax daaweyn ah, laakiin kuwa waaweyn waxay xeri karaan sanka ama jeebabkiisa taasoo keenta in duufka ku xermo jeebabka, kadibne ay infekshan qaadaan, waxaana ku dhaca qofka cudur la dhaho "Caabuqa Sanqada": Ka akhriso halkaan:  http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5636.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5636.0.html)

Hilibka sanka waxaa badanaa lagu qaldaa bararka ku samaysma sanka darbiyadiisa.

Calaamadaha lagu dareemo hilibka sanka markuu weynyahay waxaa ka mid ah:

Dhagaha oo aamusa ama dhub dhaha waxay la xiriirtaa infekshanka jeebabka sanka / caabuqa sanqada ama "sinusitis" waxa loo yaqaano ee hilibka sanka kaligiis ma keeno.

Haddii sababta saas tahay waa in hilibkaa lagaa jaro oo lagaa daaweeyo caabuqa sanka, haddii cillad kale aad is leedahay way noqon kartaa la xiriir dhakhtar ku taqasusay cudurrada dhagaha, sanka iyo cunaha ee loo yaqaano : E.N.T Doctor"
Dhakhtarka wuxuu kuu kala sheegi doonaa heerka uu hilibkaaga gaarsiisan yahay, hadduu dhib kugu hayo iyo haddii lagu daaweyn karo daawo la qaato ama qalliin aad u baahan tahay.

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)