Somali Medical Forums
General Discussions => Feel Free Here => Topic started by: Dr.Salwa on March 05, 2007, 11:24:02 PM
-
waan idiin salaamay dhamaantiin, waxaan rabaa inaan halkaan idinka waydiiyo erayga la dhaho negro macnihiisa, halka uu kayimid eraygaas, yeesa ahaayeen dadkii ugu horeeyay ee isticmaala erayga negro, mideeda kale dadkaas negro ah skull kooda miyeey ka duwan tahay dadka kale oo aan aheen negro ga.
waxaan rajaynayaa inaan su aalaha idinku badin , waad mahadsantihiin dhamaantiin.
Dr.salwa
-
Salaan ka dib;
Qariib waxaa ila noqotay in hadda la doon doonayo ereyga negro macnihiisa, sidaas darteed baan is iri bal uga hadal.
Ereyga negro ama nigger ama neggar, asalkiisa waa spanish baa la yiraahdaa, madow weeye macnihiisu, laakin ka dib baa macneheedu ballaartay illaa uu noqday magac maxkamado la isku saaro maanta.
Lexdamaadkii bay ahayd markii ay xuquuqda aadanaha heleen dadka madow ee maraykanka jooga, waxayna ahayd 1965tii markii la dilay Malcom X oo ay dadka cadaanka ahi u ictibaariyeen cadowgooda No.1. Wakhtigaas ka dibna xasaasiyad wayn bay ka qabeen dadka madow in magacaas loogu yiira siiba haddii qof cad afkiisa ay ka soo baxayso, Waligeedna aad bay u yarayd in negro loogu yeero qof aanan ahayn dadka loo yaqaan african-american-ka, sidaa awgeed hadda oo la joogo dadka kaliyoo isticmaala waa dadka madmadow oo iyaga isugu yeera markii qof kale hadhow yiraahdana u arka cunsuriyad.
Arrinta in ay leeyihiin skull ka duwan dadka oo ay u dhowyihiin monkeys-ka, waa arrin dicaayad aan dhaafsiisanayn wax jirana maaha haba yaraatee, bani'aadanku waa isku wada mid anatomically and physiologically, marka taasi waxba kama jiraan.
Waa mahadsantihiin.
-
walaal waan idin salaamay dhamantiin.
walaal aad ayaad ugu mahadsantahay jawaabta aad kabixisay negro, balse waxaan rabaa inaan halkaan ka sheego ma ogi inaad aragteen iyo in kale inay jiraan kutubo cilmi ah oo eraygaas negro isticmaalayaan meesha kuwa kale ay ka isticmaalaan black , inkastoo labada erayba ay isku meel ay kuwada biya shubanayaan, hadan waxaa jira dad ilaa iyoa hada ka xanaaqa erayga negro oo laga yaabo inaysan ka xanaaqin hadii layiraah black.
marka walaal waxba hala yaabin in eraygaas wili la is waydiinayo, maxaa yeelay dad ayaa wili isticmaala iska dhaaf dadka madoowga ah oo ayaga dhexdooda isku isticmaala balse waxaa weeyaan oo jira dad cadaan ah oo eraygaas isticmaala ayaga oo u adeegsanayaa meela badan sida markii ay ka hadalayaa cilmiga oo ay rabaan inay soo qaadaan wax ku saabsan dadka madoow, ama dad kale oo raba inay is bar bar dhigaan farqiga u dhaxeeyaa dadka madoow iyo dadka cadaanka ah , wayna jiraan dad badan oo cadaan ah oo arintaas ku hooshoon waxaan ula jeedaa farqiyada ay ukala sameenayaa dadka cad iyo dadka madoow.
hadii aysan skull ka aysan wax farqi ah aysan udhexeen sidee lookala ogaan karaa markii uu qofka qolfoof noqdo inuu qofkaan modow ahaa ama uu cadaan ahaa?.
waad mahadsantihiin dhamaantiin..
Dr.salwa.
-
dr. salwa aad baad ugu mahadsantahay su'aalaha muthiir lil jadalka ah, taas ka dib;
waxaa jira kutub badan oo la qoray waayihiin midab takoor iyo kala soocu ka jiray aduunka, todobaatameeyadii ka hor, waxaan akhriyay hada ka hor kitaabkii uu qoray malcom X, safxadiiba 15 jeer baa laga helayaa kalimadda negro, waagaas hadafku wuxuu ahaa in midab takoorka la joojiyo ee kalimadda cidna dan kama lahayn, aakhirkii baa civil rights la helay oo loo arkay qofkii negro yiraahda oo caddaan ahba inuu cunsuri yahay, kalmaddu macno adoonnimo ah bay xambaarsantahay sidaa darteed baa loo necebyahay halka black ayan xambaarsanayn waxbana. kutubbada cilmiga ah aqoon darro ama qadiimnimo ayaa u gayay inay isticmaalaan kalmaddaas.
In la isu barbardhigo acraaqda kala duwan, isirrada, ama raceska waa wax loo baahanyahay si loo ogaado dadka uu asiibo cudurku iyo asbaabaha xaqiiqiga ah ee sababaya cudurka, laakin in negro la isticmaalo waa khalad.
Wallaahi garan mayo skull-ka farqiga lagu kala garanayo qofka midabkii uu lahaa waaguu noolaa, laakin wax fog ilama aha in la garan karo, because waxaa la garan karaa mayd la helay qarnigii uu noolaa sababtii uu u dhintay iwm. Haddii la rabo DNA baa la baari karaa, nuclear scanning baa la samaynayaa. Dadka ka shaqeeya forensic medicineka ayaa la waydiinayaa taasi, dabiibka sharciga ah ee baara sababta keentay geerida iyo ma waxay ahayd homicide ama suicide ama accidental.
Mahadsanid.
-
Walaalayaal waan idin salaamay dhamaantiin
Walaal dr.gole aad baad ugu mahadsantahay sida aad fikirkaaga oga dhiibatay.
Mideeda kale waxaa jira oo aan horayna usheegay kutubada cilmiga ah oo erayadaas isticmaalay maahan kuwa xili horay la qoray , balse waa kuwa mar dhow laqoray
Ilama ahana inay ugaysay jaahilnimo ama cilmi yaraan.
Teeda kale oo ah in skull ka uu wax farqiya u dhaxeeyo ama lakala saari karo marka ay qalfoof noqdaan waa mid iska cad oo waxaa weeyaan farqi wayn ayaa udhaxeeya oo si way ayaa lookala garan karaa.
Arinta kale dadka aan ku leeyahay farqi ayeey u dhaxaysiinayaa dadka cadaanka iyo dadka madoow ga ah ma ahan inay xaga cilmiga u adeegsanayaan balse waa mid cunsuri nimo ah .
waxaan rajaynayaa inaan mooduucaan intaan ku soo xirno , si aan ugu daba dheeraan , waana mahadsantahiin dhamaantiin.
Dr.salwa.