Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on September 28, 2011, 06:53:24 PM

Title: Su'aal: Dhiiga caadada oo xawli u socda muxuu yahay?
Post by: CilmiSabca on September 28, 2011, 06:53:24 PM
Asc wrt wbt. Salaan dabadeed.
Dhakhtar, gabadh baa waxay i tidhi "Ii weydii dhakhtarka haddii dhiigga xaylka marku igu dhaco uu si xowli badan uu iiga socdo, waayo hoos galis ma isticmaali, mana rabi. (waxay tidhi ma raadin karo Alweys) inaan maryo hoos galis ka dhigto, xanuun yaroo xudunta hoosteeda ah mooyee wax kale ma jiro" Marka dhakhtar xowliga dhiigga uu u socdaa bay rabtaa in loo sheego in uu dhib yahay iyo in kale. Waxay kaloo leedahay "Aad baan u dhiig baxayaa" maxa talo ah?
~Thanks to Somalidoc.  
Title: Re: Su'aal: Dhiiga caadada oo xawli u socda muxuu yahay?
Post by: SomaliDoc on October 07, 2011, 07:30:48 PM
(http://somalidoc.com/Topics/caadobadan.jpg)

Caadada oo xad dhaaf ah waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Menorrhagia", inkastoo haweenka badankiis ay ka cabtaan in caadadu ay xad dhaaf ka noqoto laakiin ma gaaraan heer ay dhiig badan lumiyaan oo la dhihi karo waxay qabaan "Menorrhagia" dhiig-bax caadada ah.

Haddii aad qabtid xaaladdaan, mar kasta oo caadada kugu dhacdo waxaad dareentaa dhiig badan iyo casiraad xagga caloosha hoose ah oo aad dareento.

Calaamadaha lagu garto in caadadu ay xad dhaaf tahay waxaa ka mid ah:
- In calalkaaga ay buuxsamaan saacaddiiba mar dhowr saacadood oo isku xigxiga.
- Baahi aad u qabto in aad hurdada ka soo toosto si aad calalka u badalato.
- Caadada oo socoto hal isbuuc ama ka badan.
- Caadada oo soo raacaan xinjirro waaweyn
- Howl maalmeedkaaga oo si sahlan u qabsan karin.
- Inaad isku aragto tabardarri, daal iyo neefsashada oo ku dhibto kuwaas oo daliil u ah in dhiig yari ku hayso.

Haddii aad isku aragto calaamadahaas kor ku xusan waxaad u baahanthay in takhtar aad la xiriirtay si laguu daaweeyo.

Waxyaabaha keeni karo caadada xad dhaafka ah waxaa ka mid ah:
1- Hormooniska oo isku dheellitirneyn
2- Ugxan sidaha oo sidii laga rabay u shaqayneynin (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5566.0.html).
3- Buro ka soo baxdo minka oo loo yaqaanno "Fibroid"
4- Fiix ka soo baxa dahaarka gudaha minka (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3126.0.html).
5- In qanjirrada minka iyo murqaha is dhex galaan oo keenaan cudur loo yaqaanno "Adenomyosis"
6- Haddii lagugu xiray qalab ka hortaga uurka (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5840.0.html).
7- Dilan uur ka dib wuxuu u ekaan karaa, caado xad dhaaf ah (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1083.0.html).
8- Kansar midka ku dhaca ugxan sidaha iyo afka minka.
9- Daawooyinka qaar sida: kuwa ka hortaga caabuqa iyo kuwa ka hortaga xinjiroobista dhiigga.
10- Xaalado caafimaad qaar sida Infekshanka ku dhaca haweenka (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5709.0.html), cillad xagga qanjirka toroodhka (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5559.0.html), xanuun ku dhaca dahaarka minka (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2088.0.html) iyo hawlgabka kilyaha (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5738.0.html) ama beerka (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5648.0.html).

Haweenka badanaa ka sheegta cilladaan waxay u badanyihiin labo koox oo kala ah:
1- Gabdhaha qaangaaray mar dhow oo sanadkooda ugu horreeya ku jira
2- Haweenka ku sii scodo dhalmo deyska (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5449.0.html) kuwaas da' ahaan u dhaxeeya 40 illaa 50 sano.

Dhibaatooyinka ay reebto xaaladdaan waxaa ugu horreeya dhiig yari  (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,251.0.html)iyo xanuun saaid ah markii dhiigga uu socdo.

Baaritaannada lagugu samayn karo haddii aad takhtar la xiriirtid waxaa ka mid ah:
1- Baaritaan dhiigga ah
2- Baaritaan afka minkiisa ah
3- Baaritaan cad laga qaadayo minka.
5- Ultrasound ama waxa soomaalida u taqaanno "Kumbuyutar".
6- Raajo dheeh wadato oo minka iyo tubooyinka la saaro.

Markii takhtarka baaritaan buuxa iyo wareysi kula yeesho waxaa lagu siin doonaa daawooyin isugu jira kuwa dhiigga sare u soo qaado, xanuun baabi'iyayaal iyo daawooyin yareeya caadada badan kuwaasoo ka mid noqon karaan daawooyin ka hortagga uurka.

Haddii daawooyinka wax kuu tari waayaan waxaa jira dhowr qalliin loogu talalagalay xaaladdaan taasoo tii kugu habboon takhtarka kugula talin doono.

Caado Wareerka ama Caado Khalkhalka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2145.0.html)
Caado Xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html)

Haddii aad qabtid su'aalo caafimaadka la xiriira, halkaan ku soo gudbi: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)