Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on May 24, 2015, 12:51:08 AM

Title: Su'aal: Maxa keena dubaaxashada, gacmo dhididka iyo kuleelka?
Post by: Abdi21 on May 24, 2015, 12:51:08 AM
walahayha waxan maqli jiray nin buka boqoli utalisay adinkana waan idin daalinay sidaan wax idiin soo weeydiineeyna maxa keena dubaaxasho dhabarka ah iyo hurka gacmaha lugaha iyo dhidid gacmaha ah tan kale walalahayga nervis ma keeni karaa xididadayda waa taagan yihiin dhaqtar ayaa maalin igu cabiray saacada dhiig karka sokorna wuu iga cabiray sokor majirto ayuu dhahay lkn dhiig kar ayaa jira dhiigayga wuxuu ahaa 155 hoosna 90 kadib maalin walba waan is cabirayay lkn waa sidii caadiga ahayd 115 hoosna 80 waxana la igu dhahay dhiig kar ma qabtid bal faalo iga siiya inkastoo aanan maalmahan is cabirin lkn wixii markaa ka danbeeyay xididayda xitaa madaxa weey muuqdaan maxase keeni kara xidida banaanka yimaado aniga dhana waan il go sanahay
Tan kale pro lugta midig ayaa kabaabyo iga saaran tahay mudo 48 saacadood ah dhabarkana dhanka kilida xigta dubaaxasho ama in wax juq juq ku siinayaan ayaan ka dareemayaa ma noqon kartaa cilad ah kilida ama nervis
WAxaan kaloo dareemaa in marka aan muran galo madaxa dhinac i xanuunaa ama aan xanaaqo iyo in mararka qaar laabta kuleel aan caadi ahayn kabaxaayo iyo qoorta jawab walanimo mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Maxa keena dubaaxashada, gacmo dhididka iyo kuleelka?
Post by: SomaliDoc on May 28, 2015, 10:37:52 PM
Dubaaxin jirka  oo joogto ah waxay ka imaan kartaa cillad neerfaha, khaas ahaan dhabarka hadidi hadda ka hor jug kaa gaartay ama tiibisho dhabarka kaaga dhacday ama cillad kale ay jirto.

Waxaa kaloo dubaaxinta keeni karo hadduu furqaha giigsanaantooda ay cillad ka jirto ama waxyaabaha murqaha ka shaqeysiiyo jirkaaga ay ku badan yihiin.

Waxaa kaloo keeni karo haddii aad qabtid niyad kacsanaan ama dheecaannadaada dareenka kontoroola in ay kacsan yihiin oo aad tahay mar kasta qof welwelsan ama naxdin ku jira ama dhakhso laga xanaajin karo ama dulqaadkiisa uu yaryahay ama wadno garaaciisa uu badan yahay.

Si loo ogaado waxa kuu keenay xanuunkaan waa in aad la xiriirta takhtar ku taqasusay cudurrada guud si loo ogaado meesha lagaa heesto.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.
Title: Re: Su'aal: Maxa keena dubaaxashada, gacmo dhididka iyo kuleelka?
Post by: Abdi21 on May 28, 2015, 11:45:10 PM
Pro aad ayaad umahadsan tahay lkn su.aalihii aan rabay oo dhan jawab kama helin sida gacmo dhididka iyo gacmo ololka laab hurka iyo iyo markaan xanaaqo ama muran galo oo aan Madaxa dhinac xanuun ka dareemayo mahadsanid walaal
Title: Re: Su'aal: Maxa keena dubaaxashada, gacmo dhididka iyo kuleelka?
Post by: SomaliDoc on May 29, 2015, 12:16:34 AM
Kulli way is wataan, arrimaha aad tilmaantay oo dhan waxaa lagu fasiri karaa, kacsanaanta dheecannadaada jirka ama waxa loo yaqaanno "Adrenaline-ka" ololka jirka, wadna garaaca, gacmo dhididka, kor dubaaxa, xanaaqa, hrudo xumida iyo waxyaabo kale oo badan.
Title: Re: Su'aal: Maxa keena dubaaxashada, gacmo dhididka iyo kuleelka?
Post by: Abdi21 on May 29, 2015, 01:03:58 AM
Aad ayaad umahadsan tihiin walaalo is xilqaamay jira oo jooga insha alaah