Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Maqaarka => Topic started by: SomaliDoc on April 30, 2011, 07:54:02 PM

Title: Waa Maxay Nabarrada Galmada ee Chancroid?
Post by: SomaliDoc on April 30, 2011, 07:54:02 PM
Chancroid (oo ay keento bakteeriyada loo yaqaan Haemophilus ducreyi)

CALAAMADAHA LAGU GARTO
Calaamadaha Cudurka Chancroid:
# Waxay bilawdaan 4-10 maalmood ka dib marka cudurka la qaado
# Nabarro xanuun badan lehna dheecaan oo ku dhaca xubnaha taranka
# Xanuun badan iyo barar ku yimaada qanjirada (lymph nodes) ku yaal gumaarka (groin)

ISU GUDBINTA
Chancroid-ka waxaa fidiya:
# Galmada caadigaah
# Galmada aan caadiga ahayn
# Maqaarka oo taabta nabar ku yaalla maqaarka qof qaba cudurka

DHIBAATOOYINKA KA YIMAADA CUDURKAN
Haddii Aan la Daaweeyn Chancroid Waxay:
# Keeni kartaa inay baaba?aan nudaha (tissue) maqaarka xubinta taranka ragga madaxiisa ku daboolma (kobarta)
# Keeni kartaa in nabarada ay jeermisyo kale ku keenaan lahankac KA HORTAGGA

Talooyin ku Saabsan Sida loo Yareeyo Fiditaanka Cudurka Chancroid:
# Nabarada ku dhaca xubnaha taranka waxay noqon karaan kuwo xubnahaasi kaga dhaca meelaha bacda galmadu (condom) ay dabooli karto. Waxay kaloo ku dhici karaan meelaha ayna bacda galmadu dabooli karin. Bacda galmada, marka loo isticmaalo si joogta ah saxna ah, waxay yarayn kartaa khatarta inaad qaaddo Chancroid kaliya marka bacdu ay ku daboolan tahay meesha nabarka leh
# Isticmaal bac galmo oo ku habboon markasta oo aad Samaynayso galmo caadi ah ama aan caadi ahayn
# Yaree dadka ay galmadu idinka dhaxayso
# U tag dhakhtarkaaga si aad baaritaan u samaysid haddii aad ka shakido inaad cudurka qaadday
# Ogeysii dadka ay galmadu idinka dhaxayso isla markiiba haddii aad qaaddo cudurka
# Dadka ay galmadu idinka dhaxayso ee qaada cudurka waa in la baaraa lana daaweeyaa

DAAWEYNTA
Daaweynta Cudurka Chancroid:
# Chancroid waa la daaweyn karaa
# Waxay u baahan tahay daawo uu dhakhtarku kuu qorayo
# Is daaweeya isku mar adiga iyo dadka ay galmadu idinka dhaxayso

OGOW: In daaweynta ka dib qofku dib cudurka u qaadi karo.

SomaliDoc