Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mukhtar222 on May 09, 2017, 10:46:23 AM

Title: Su'aal: Madaxa qaybta kore aya i hurta?
Post by: Mukhtar222 on May 09, 2017, 10:46:23 AM
Asc DR  marka hore aad ban kaaga mahad celinaya in umada soomaliyed ee webkan ku xiran  aad ka shaafiso waxa ay qaban allha miizanka xasanadka ha kugu daro

DR hadi aan u gudo galo su aashayda
Waxan isku arkay madaxa gaar ahan qaybta kore(dhalada) inan ka daremo kulayl ama qaac marki an wax aqrinayo iyo mararka qaar mararka qaarn wajiga qaybta hore ayu so gaara kulaylkana waxan ka darema gudaha
Waxa jirta DR in gaws xanun igu hayey kadib dhagta midig i xanuntay oo an diiqad ka daremay

Marka DR kulaylkas xariir ma la leyahay saamaynta gaws xanunkas mise waxyaabo kale oo kena jirta
Maxaadse igula talan lahayd
MAHADSANID DR
                                           
 ~~mukhtar cabdullahi~~


Title: Re: Su'aal: Madaxa qaybta kore aya i hurta?
Post by: SomaliDoc on October 09, 2017, 07:41:06 PM
Basada oo ku kulaalata ama ku danqato markaad taabatid waxay calaamada u tahay diiqadda aad dareemaysid, midda kale gowska xanuunkiisa hadduu xiriir la leeyahay neerfaha, way kula xanuunaysaa illaa iyo dhegta, waana xanuun siyaado ah oo buuq iyo welwel kugu furi kara.

Marka baso-xanuunka iyo gows-xanuun waxaa ka dhaxeeyo xiriir aan toos ahayn, laakiin waa in gowska lagaa daaweyo si xanuunka kaaga tago, marka fadlan la xirii dhakhtar ilkaha ah.