Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Anfac on March 03, 2010, 03:43:25 AM

Title: Su'aal: Maxaa keena low Pituitary gland?
Post by: Anfac on March 03, 2010, 03:43:25 AM
dhamaan dhaqtarada somaliyeed hadaa fahantaan su aasheyda igasoo caawiya waxeey tahay iyo maxaa keeno ciladaas maxaana lagu sameyn karaa                                                                                                                              mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena low Pituitary gland?
Post by: SomaliDoc on March 12, 2010, 10:08:28 PM
Pituitary galand waa qanjir yar oo ku dhegan maskaxda soona daaya hormoonno.
Hypopituitarism ama Low pituitary waa shaqada qanjirkan oo yaraata kadibne ay hoos u dhacaan soo denynta hormoonnadaas.
Qanjirkaan waxaa loo yaqaannaa aabaha qanjirrada ahmiyadda uu leeyahay dartiisa iyo wuxuu xukumaa shaqanynta qajirrada kale ee jirka.

Qanjirkaan wuxuu soo daayaa 8 hormoon oo muhiim u ah bini'aadanka waxayna kala yihiin:
ACTH: waa hormoonka ka shaqeysiiya qanjir kale oo ku dul yaala kilida (Adrenal Gland)
TSH: waa hormoonka ka shaqaysiiya qanjirka toroodhka (Thyroid gland)
PRL: waa hormoonka ku shaqada leh soo saarista caanaha naaska
GH: waa hormoonka ku shaqada leh korriinka
FSH: waa hormoonka dumarnimada.
LH: waa hormoonka ragannimada.
Oxytocin: waa hormoonka ku shaqada leh foosha iyo kogidda minka.
ADH: waa hormoonka ku shaqada leh in jirka biyaha ku soo celiyo.

Hadii shaqada qanjirkaan ay yaraato waxaa yaraanaya hormoonnadaan oo dhan iyo qanjirro kale haqadooda taasoo aad muhiim ugu ah nolosha.

Waxaa keeni kara hawlgabidda qanjirka pituitary:
1- Buro qanjireed
2- Caabuq sida: qoorgooye, maskaxda oo malaxaysata iyo IWM
3- Qulqulka dhiiga oo ku yaraada qanjirka
4- Shil ama dhaawac gaaray qanjirka
5- Cillad lagu dhashay (congenital hypopituitarism)

Daawenta cudurkaan waxay ku xirantahay in la ogaado 5-taas shey midkii ka mid ah oo keenay, kadibne sida ugu haboon lagu xalliyo, haddii buro tahay in la qalo, hadii caabuq tahay in antibiotic la siiyo...

Mahdsanid
Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah waad na soo weydiin kartaa
Title: Re: Su'aal: Maxaa keena low Pituitary gland?
Post by: Anfac on May 03, 2010, 04:51:38 AM
waad mahadsan tahay doctor jawaabtaada wanaagsan////       waxaa igu   dhacay shil ama dhaawac dhaqaatiirta waxeey dheheen  weey xirantay patuitary glad daawo ma leh marka waxaan kugu caawi karno maleh  maxaad ugu waaci laheeyd   sida ugu macquulsan oon ubad u qaadi karaa waad mahadsan tahay fadlan email ayaan jeclaan lahaa in aan kuu la xiriiro