Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mr Mahamed on October 02, 2016, 01:34:29 PM

Title: Su'aal: Mardhaw waxan jeclahay in aan guur sado?
Post by: Mr Mahamed on October 02, 2016, 01:34:29 PM
ditoore waad mahad san tahay sida wanaagdan aad su aalaha aad noogu jawaabto alle ajir aad ubadan hakaa siiyo insha allah

su aasheyda waxay tahay

mardhaw waxan jeclahay in aan guur sado hadana waxan ka fikiraa waxd ahaan jirtay qof siigeesta wxna isdhahaa amay wax kuu geysatay oo hadaad guursato dhibaatooyinka laga sheygaayay amey ka soo baxaan

waxaan ku weydiinayaa imisa bilood ama sanad ah ayaa looga kabsan karaa sigeysiga hadaan sameeyo jimicsi iyo cuno wanaagsana qaato oo aan joogteeyo
Title: Re: Su'aal: Mardhaw waxan jeclahay in aan guur sado?
Post by: SomaliDoc on October 22, 2016, 03:08:29 PM
Waxa ugu muhiimsan waa in aad joojisid siigeysiga, hadiiba uu dhibaato ku gaarsiiyay, jirka isagaa si dabiici ah iskaga sixi doono, ku dadaal cunno isu-dheelli tiran in aad cuntid, kana fogow balwad haddii aad leedahay sida sigaarka, jaadka IWM.

Ma jirto waqti gooni ah oo laguu sheegi karo in aad ka bogsanayso, sababtoo ah waxay ku xiran tahay, dhibka ku gaaray intuu la eg yahay hadduuba dhib ku gaaray, taasoo laga tixraaci doono inta jeer ee aad siigeysan jirtay iyo waxa aad isku aragtay.

Biyo cabitaanka badso iyo malabka saafiga ah, wax dhib ah lama kulmi doontid insha'llah.