Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed bisle on June 22, 2011, 01:26:36 AM

Title: Su'aal: Maxaa lagu daawayn karaa markuu dhareerka lawyuhu kaa dhamaado?
Post by: Ahmed bisle on June 22, 2011, 01:26:36 AM
Maxaa lagu daawayn karaa markuu dhareerka lawyuhu kaa dhamaado?
Title: Re: Su'aal: Maxaa lagu daawayn karaa markuu dhareerka lawyuhu kaa dhamaado?
Post by: SomaliDoc on June 30, 2011, 12:20:19 AM
dareeraha lawyaha ku jiro waa dheecaan eebe ugu talagalay inuu lafaha, carjwada iyo seedaha kala ilaaliyo si aysan isku xoqin.
Waxaa lawga ku jira xuub soo saare dheecaankaan "Synovial Fluid", haddii xuubkaas uu baaba'o cudur ku dhacay awgiis, waxaa imaanay in dheecaankii uu yaraado, haddii lawga bukto oo kala-goysku kala sikado xitaa waxaa la maqlayaa shanqar, taasoo calaamad u ah in dheecaanka uusan ku filneyn.

haddii xanuunku uu cusubyahay waa la daaweeyaa, dheecaankane cirbad ayaa lagu soo dhuugaa, waana la baaraa si loo ogaado cudurka ku dhacay kalagoyska, haddii xuubkii uu baa'bay, dheecaankiina uusan ku filnayn, waxaa kalagoyska lagu shubaa dheecaan macmal ah oo sida kanoo kale u shaqeeya.

Su'aasha aan rabo in aan ku weydiiyo waxay tahay: yaa kuu sheegay in dhareerka lawgaaga uu yaraaday? mise waa iska qiyaasta?