Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Barakaat on December 09, 2015, 05:21:14 PM

Title: Su'aal: HP qof oo dhaca?
Post by: Barakaat on December 09, 2015, 05:21:14 PM
Asc.

waad ku mahadsantihiin howsha aad umadda u haysaan.

waxaan rabaa inaad iiga faa'idaysaan xanuun aabahay haayo, sanadkii 2014 dhexdeeda ayaan HP ama dhiiga ka dhacay wuu noqday 4 isbital ayaan gelinay dhiiga ayaa lagu shubay 1000, ka dib daawoyin ayaa loo soo qoray sida kuwa dhiiga kor u qaada, mar kale ayuu hadane HP dhacay hadana waxaa loo soo qoray daawooyin oo ay ka mid yihiin cirbada afka laga qaado oo dhiiga kor u qaada. hada oo la jooga dec dhiigiisa waa hoosaayaa, waana 7.8, marka waxaan doonaaya xanuunkan waxa sababa iyo meesha dhiigiisa hoos u wada iyo sida dhiigiisa kor loogu qaadi karo hadane logu celin karo kor si uu san u soo dhicin.

Mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: HP qof oo dhaca?
Post by: SomaliDoc on December 12, 2015, 08:37:50 PM
dhiiga oo markasta hoos u dhaco waa in la ogaado waxa keenay oo qofka lagu sameeyo baaritaano kala duwan oo ay ka mid tahay in dheecaan dhuuxa lafta laga qaado, waxyaabo badan ayaa keeni karo diig yarida laga bilaabo cunno xumada illaa kansarka ku dhaca dhiiga.
Halkaan ka akhriso waxa keeno dhiig yarida iyo siyaabaha loola tacaalo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,251.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,251.0.html)