Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Xidig on March 27, 2017, 06:26:42 PM

Title: Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?
Post by: Xidig on March 27, 2017, 06:26:42 PM
Salaam calaykum diktoore,

Magacaygu waa Maxamed, waxan ahay 27jir ku nool Kismaayo. Labo todobaad kahor waxa igu dhacday Malaria aniga oo jooga Muqdisho, kadib waxan u tegey dhakhtar. Baaritaan guud oo isugu jira dhiigag iyo saamiyo [saxaro, kaadi]  iyo ultra sound ayaan maray. Warqadda jawaabta waxaa ii akhriyey kaalkaaliye ee ma ahayn dhakhtartii i baaray, wuxuu ii sheegay in la iga helay Malaria iyo xanuun aanan isku ogeyn oo ah Hapitatis B [waa side uu ii sheegaye]. Wuxuu sidoo kale igu sheegay in caafimaadkayga guud fiican yahay, sida ku cad jawaabtii computerka iyo saamiyda kale.

Inkastoonan caafimaadka wax badan ka aqoon, haddana sheki ayaa i galay markaan dib u eegay natiijada baaritaanka, waxay iila ekaatay in aan qabo nooca cudurka la igu sheegay mid ka daran,  waxan sidoo kale is weydiiyey sababta haddii dhakhtarku jawaabta arkay talo ama daawo ii siin waayey!

Fadlan, halkan ka eeg warqadda jawaabta
https://drive.google.com/file/d/0B3SKCIozQdgbWnV2V2N0WnZoa3c/view?usp=sharing


Dhowaan inshaa Allaah ayaan jeclahay inaan aqal galo, fadlan diktoore igu caawi talo.


Tan kale diktoore maxay ka dhigan yihiin:

- Reactive
- Non-reactive
- Weak-reactive


Mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?
Post by: SomaliDoc on July 02, 2017, 11:30:43 AM
Waxaa baaritaankaada ka muuqdo in jirkaaga uu hadda ka hor gaaray Xanuunka cagaarshowga nuuca B, waxaa kaloo ka muuqdo in shakki uu jiro xanuunka Cagaarshowga nuuca C.

Reactive, No-reactive ama Weak reactive waxay jawaabtu soo saartaa markii la adeegsado baaritaananda ku dhisan lid-jirka "Antibody" testing. maadaama jirka laga fiirinayo in xanuunkaan horay u soo maraya ama uu ka fal celinayo.

Marka hepatitis C, waad qabtaa laguma dhihi karo baaritaankaan, waa in lagu celiyaa ama si kale loo baaraa, laakiin midda ku saabsan Hepatitis B, wuxuu tilmaamayaa in hadda ka hor jirkaaga uu gaaray sidaa darteed uu falcelin u sameeyay baaritaanka sidaas ayuuna ku nqoday "reactive".

Si aad faahfaahin dheeraad ha uga heshid labadaan cudur, daawo video-gaan:
https://www.youtube.com/watch?v=HfLN5PVkF0s (https://www.youtube.com/watch?v=HfLN5PVkF0s)