Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Xuseen Carab on February 21, 2016, 01:16:27 PM

Title: Su'aal: Waxaan jiraa 16 sano mana qaan gaarin?
Post by: Xuseen Carab on February 21, 2016, 01:16:27 PM
Doc magacaygu waa xuseen axmed cisman waxana jiraa 16 anigu mana qaan gaarin wali waxaan is leeyahay waad jiran tahay mana aqaano daawo aan cuno
Title: Re: Su'aal: Waxaan jiraa 16 sano mana qaan gaarin?
Post by: SomaliDoc on February 26, 2016, 10:37:47 PM
(http://somalidoc.com/Topics/baaluqnimada.png)

Waa maxay baaluqnimada?
Baaluqnimadu waa heer ay ka gudbaan caruurto si ay u helaan awood tarmid, waxaana lagu gartaa isbadal muuqaaleed, mid nafsaani iyo mid jinsi ahaan.

Baaluqnimadu waxay ku billaabataa gabdhaha da'da 8 sano illaa 14 sano, meesha wiilashu ay billaabato 9 illaa 14 sano.

Maxaa lagu gartaa baaluqnimada?
Baaluqnimada dabiiciga ee gabdhaha waxaa lagu gartaa astaamahaan soo socdo:

Baaluqnimada dabiiciga ee wiilasha waxaa lagu gartaa astaamahaan soo socdo:

Waa maxay baaluqnimada soo daahdo?
Waxaa la dhihi karaa qofka qaangaarkii ama baaluqiddii way ka daahday markii:

Maxaa keeno in baaluqnimada ay soo daahdo?
Waxaa qaangaarka soo daahin karo waxyaabo ay wiilashu iyo gabdhuhu isla wadaagi karaan iyo waxyaabo ay ku kala duwanaan karaan, asbaabaha la isla wadaago waxaa ugu caansan:

Sidee lagu ogaan karaa in qofku qaangaaray ama ka soo daahay?
Dhakhtarku wuxuu waalidka ka qaadi doonaa waraysi iyadoo la fiirinayo korrinkaaga, caafimaadkaaga guud, caafimaadka qoyska, waxbarashadaada iyo korriinkaaga maskaxeed iyo nafsiyadeed.
Kadib wuxuu kugu samayn doonaa wiisiteyn lagu ogaanayo dhirirkaaga, miisaankaaga, astaamaha qaangaarka kor ku xusan iyo wiisito muuqaaleed guud.
Kadib wuxuu kuu diri doonaa baaritaanno haddii uu la kulmo cillad, waxaana baaritaannadaas ka mid ah: dhiigag u badan hormoonanda ka qeyb qaato qaangaarka, wuxuu kaloo kuu diri doonaa computer / ultrasound khaasatan haddii aad gabadh tahay si loo eego makaankaaga iyo ungxansidayaasha, waxaa kaloo kuu diri doonaa raajooyin lagu eegayo korriinka lafaha.

Sidee loo daaweeyaa baaluqnimada soo daahdo?
Waxaa lagu daaweeyaa daawooyin u badan hormoonno, haddii cilladu ay tahay isu-dheellitirnaan hormoon ama yaraansho hormoon, laakiin haddii ay jirto cillada kale sida kuwa kor ku xusan waxaa lagu siin doonaa talo ku habboon mid waliba.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)